Maamulka Dekadda Muqdisho oo sheegay in Malaayiin Dollar ay kasoo xarooto Dekadda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Maamulka Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka warbixiyay waxqabadka Dekedda caalamiga ah, gaar ahaan shantii bilood ee ugu dambeysay waxyaabihii ay qabteen iyo sida ay xaalada mareyso iminka.

Maareeye K/Xigeenka Dekedda Muqdisho Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlayay Saxaafadda ayaa ka warbixiyay howlaha Dekedda Muqdisho, waxaa uuna sheegay in shantii bilood ee u dambeysay Dekedda howlaheeda ay ahaayeen kuwo si habsami leh u socday, isla markaana dhaqaalaha ka soo xarooday ay ku dhaceen qasnadda dowladda KMG Soomaaliya.

“Dekedda magaalada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha ugu weyn ee uu dhaqaalaha ka soo galo Dowladda KMG Soomaaliya” ayuu yiri K/Xigeenka Maareeyaha Dekedda Muqdisho, isagoo intaasi ku daray in bishii Septembar uu ka soo xarooday dekadda qarash dhan 1,360,000-Kun Dollar, kaasi oo ku dhacay qasnadda Dowladda isla markaana bishii kale ee Oktoobar uu ka soo xarooday dhaqaale dhan 2,300,ooo-Kun Dollar.

Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku xirnaa Maraakiib iyo doomo shixnado kala duwan sida oo isugu jira gargaar iyo ganacsi, kuwaasi oo si caadi loogu rarayay gaadiidka kala duwan oo xamuulka qaada.

K/Xigeenka Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in Dekedda ay ku soo xirteen maraakiib kala duwan oo iyagu sida gargaar, isagoona sheegay in abaartii dalka ku dhufatay maamulka Dekedda uu door fiican ka ciyaaray.

“Dhaqaale kama soo xaroon dekedda cidii tiri anigu waxaan is leeyahay si kale ayay ula jeedaa” ayuu yiri Axmed Cabdi Kaariye oo isagu sheegay in maamulka dekedda aanu wax xil ah ka saarneyn dhaqaalaha ka soo xarooda maadaama la geeyo Bankiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: