Advertisements

Dr. Christoph Blocher oo mar kale ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamanka Qaranka Swiss-ka.

Halkaan ka akhri

Waxaa  isniintii la soo dhaafay ee bisha ahayd 05-12-2011, dib ugu furmay magaalada Caasimada Wadanka Switzerland ee Berna, kalfadhigii 49aad ee golaha Barlamaanka Federaalka, waxaana kulankaas ka soo qayb galay Xildhibaano cusub iyo qaar ka mida kuwii hore, kuwaas oo dhawaantan loo soo doortay xubinnimada Golaha Barlamaanka Qaranka Swisska.
Sidoo kale waxaana furitaankii lagu soo dhaweeyay shaqsiga ugu mudada dheer ee ku jiray Barlamaanka Qaranka Switzerland (Nationalrat) Paul Rechsteiner oo ka tirsan Xisbiga socialistaha ee Kanton San Gallen(SP/SG),  ka dibna waxaa loo codeeyay ninkii noqon lahaa Afhayeenka Barlaaamnka, waxaana cod aqlabiyada  oo dhan 200 boqol xildhibaan loogu doortay Xildhibaan  Herr Hans jurg Walter oo ka tirsan xisbiga SVP EE  Gobalka Thurgau.

Waxaa kaloo la sugaya Bartamaha bishaan Dizember in codeeyn loo qaado golaha Bundesratka federaalka oo ka kooban Todoba qof oo ka kala imaanaya xsibiyada ugu kuraasta badan Barlamaanka, waxaana loo ogol yahay xisbiga SVB 2 xubin Bundesrat ,xisbiga Sp Labo xubin Bundesrat, xisbiga Fdb 2 xubin Bundesrat, xisbiga Cvb 1 xubin Bundesrat.

Balse waxaa xiisa leh in golaha Barlamaanka uu ka soo dhex muuqaday Dr. Christoph Blocher oo horey u soo noqday Bundesrat, lagana soo doorto Kanton Zürich, haddan dib loo soo doortay xubin Barlaamaanka Swisska, waana qof Ruug cadaa Siyaasi ah, waxaan lagu yaqaanaa, inuu yahay qof inta badan ka soo horjeedka dadka Ajaanibka ah iyo  Siyaasada ka mid noqoshada Midowga Yurub.

Si kasta ha ahaatee waxaa xubno badan oo Barlamaanka ka tirsan ay soo jeediyeen inay habooneyd inuu ka nasto xilka Xildhibaanimada, waayo waa nin gaboobay, balse Dr. Christoph Blocher wuxuu leeyahay waxa ii baahan Qaranka Swisska.

SomaliSwiss Zürich, Gobdon

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: