Halkaan ka akhri
Waxaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Switzerland guud ahaan iyo gaar ahaan Kanton Zürich, lagu wargelinayaa in Shirkadda Somali Migrant Remittance ee Waddanka Switzerland iyo Shirkadaha Xawaaladaha Amaano iyo Bakaal “Money Transfer“ ay ku heshiiyeen inay si wada jir ah  isaga kaashadaan lacagaha loo xawilaayo dalka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale, iyadoo la raacayo Sharciga Xawaaladaha ee dalkan Switzerland.
Sidaas darteed waxaa Soomaalida ku dhaqan Wadanka Switzerland la ogeysiinayaa in shirkadahaas ay si rasmi ah u soo Wakiisheen Dadka magacyadoodu hoos ku qoran, waxayna sida uga dhaqsiyaha badan ay xafiisyo sharci ah uga furan doonaan kantoonada ay dadka Soomaalidu ugu badan yihiin sida:
1-  Kanton Zürich waxaa Shirkadahaas uga Wakiil ah Dr. Axmed Dhicisow.
–    Haddii aad doonaysid faafaahin dheeraad ah Kala xiriirTel N° 076-527.36.50.
2-  Kanton Bern iyo Neuchôtel waxaa Shirkadahaas uga Wakiil ah Maxmed Abuukar Macallin Mursal
–    Haddii aad doonaysid faafaahin dheeraad ah Kala Xiriir Tel N° 032-8411669.
Wadashaqeyn Wacan
SomaliSwiss  Zürich
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.