Halkaan ka akhri
Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa ku eedeeyay wadaadada taageersan ururka Al-Shabaab ee iyagu ka qeyb galay shirka Magaalada Baydhabo isla markaana ay ku iclaamiyeen inay sii wadayaan dagaalada ay dalka ka wadaan.
Waxaa u sheegay in culumadii Shabaab ku taageertay go’aankooda baadilka ah ay iyagu qaadayaan mas’uuliyada ka dhalata iyo cawaaqibka ka imaanayaba, isagoona caddeeyay in ururka Al-Shabaab shirkii Baydhabo ku banneystay dilka mashaa’iqda waaweyn ee dalka Soomaaliya iyo cid kasta oo aan ku fikir ahayn, isla markaana magicii ku badasheen “Imaarada Islaamiga Soomaaliyeed’’ si ay dhiig kale ugu daadiyaan.
Isagoo ka hadlayay aragtidiisa ku wajahan maxsuulka shirkii Baydhaba waxa uu sheegay inuu ku dhammaanayo meel bannaan, isla markaana ururka Shabaab isaga dhexdiisa ay isku noqonayaan cadowga kuwoodaugu xun.
“Shirkii Baydhaba waa mid ay Al- Shabaab ku go’aamiyeen daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo aan iyaga ku fikir ahayn” ayuu yiri Sheikh Umal oo dhinaca kale tilmaamay in awoodii ururka Al-Shabaab ay maanta tahay midii ugu liidatay isla markaana hoos u dhac weyn uu la soo gudboonaaday.
Waxa uu sheegay Sheikh Umal in shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ugu weyn maanta uu ku hayo ururka Al-Shabaab, isagoona tilmaamay inay iyagu mas’uul ka yihiin barakaca, abaarta iyo dhibaatooyinka soo gaarayba ay Al-Shabaabku mas’uul ka yihiin.
“Soomaalida waxaan ugu baaqayaa in dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan uga bixi karaan oo kaliya towfiiq dhexdooda kadhacda” ayuu yiri Sheikh Unmal oo sheegay in kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida fikradahoodii ay dhallinyarada ku marin habaabinayeen xilligoodu dhammaaday.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hot.ail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.