HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Ra’isal Wasaaraha SoomaaliyaĀ C/eli Maxhamed Gaas oo beryahan booqasho rasmi ah ku joogay dalka Kuwait ayaa si heer sare ah loo soo sagootiyey oo uu Ra;iisul Wasaaraha Kuwait iyo golahiisa wasiirada ay soo ambabixiyeen halkaas oo kaarbet guduuudan loo dhigay, isla markaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidanka Kuwait ka tirsan.
Mr. Gaas iyo wafdigiisa ayaa isla maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa Ra’isal Wasaaraha dalka Kenya Raila Odenga oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii kooxda Al-Shabaab meel looga soo wada jeesan lahaa.
Ra’isal Wasaare C/weli ayaa shir jaraa’id ku qabtay Nairobi kana warbixiyey kulankii uu la qaatay Ra’isal Wasaare Raila Odinga iyo safarkiisii Qatar iyo Kuwait, isagoo markaasi sheegay in safarkiisii uu ku soo dhamaaday guul, kalana hadlay mas’uuliyiinta Qatar iyo Kuwait sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya, isla markaana ay Kuwait iyo Qatar sii xoojin lahaayeen dadaalkooda gar-garaaka bani’aadanimo iyo is-garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.
Mr. C/weli Gaas ayaa sheegay in Qatar iyo Kuwait ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen qorsheyaashii iyo mashaariicdii uu hordhigay, lana filayo in ay dhowaan ka qeyb qaataan qorshaha dib-u-dhiska, kan dib-u-heshiisiinta iyo xal u helida mushkiladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Qatar iyo Kuwait ay soo dhoweeyeen horurmarka baaxadda leh ee Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay arrimaha amniga, dib-shiisiinta, xiriirka maamulada iyo Dowladda dhexe, dastuurka iyo roadmap ka.
SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@htmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.