HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Ra’isal wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda rugta ganacsiga Kuwait iyo hay’adda Bisha Case ee dalkaasi.
R/wasaare C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo beryahan ku sugnaa dalka Kuwait ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda rugta Ganacsiga ee Kuwait oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii ganacsatada dalka Kuwait ay u maalqashan lahaayeen dalka iyo sidii Rugta Ganacsiga ee Kuwait iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya ay uga wada shaqeyn lahaayeen sii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee labada dal.
Sidoo kale Madaxda Rugta Ganacsiga Kuwait ayaa khado sharaf u sameeyey R/Wasaaraha iyo wafdigiisa iyadoo halkaasi hadiyad sharaf lagu gudoonsiiyay.
Prof C/weli ayaa u sheegay ganacsatada Kuwait in Soomaaliya ay leedahay kheyraad dabiici ah oo fara badan loona baahan yahay in ganacsatada Kuwait ay uga faa’iideeyaan dalka Soomaaliya waxeyna dhiira gelineysa nabadda iyo dowladnimada.
Sidoo kale R/wasaaraha ayaa wax uu ka codsaday ganacsatada dalka Kuwait in ay ku taageeraan siyaasadda dowladda FKMG ah iyo in aan dhuxusha la dhoofin kana dalbaday in ay joojiyaan haddii ay dhuxul ka soo iibsadaan Soomaaliya wax uuna xusay in ay deegaanka khatar ku tahay.
Dhanka kale R/wasaaraha Gaas ayaa oo kulan la qaatay madaxda hay’adda Bisha Cas ee Kuwait waxa uuna uga mahad celiyey sida ay shacabka Soomaaliyeed u soo gargaareen waqti muhiim ah waxeyna Kuwait ay ka mid aheyd wadamadii sida deg dega ah u yimid Soomaaliya markii ay macluusha ka dilaacday.
SomaliSwiss Kuweit
Somaliswiss@hotmail.com
Filed under: Kuweit |
You must be logged in to post a comment.