KOOXDA AL-SHABAB OO MAGACI BADALATAY.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Shir balaaran ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Bay lagu soo gabagabeeyay, iyadoo shirkaas mudo shan cisho ah halkaa uu uga socday horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab iyo rag culimo lagu sheegay oo laga kala keenay gobollada ay maamulaan Al-Shabaab.

Shirkaasi ayaa waxaa soo qaban qaabiyay horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab, waxaana looga arinsanayay sida ay sheegeen saraakiishooda aayaha kooxda iyo waliba xaalada waqtigan uu dalku marayo.

Kooxihii halkaasi ku shiray waxaa ay isku raaceen qodobo dhowr ah oo marka la eego aan aheyn wax ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, sida ‘’In lala dagaallamo ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan,’’ In loo aqoonsado dowladda KMG Soomaaliya in ay tahay Riddo,’’ in la mamnuuco wax yaabaha maanka dooriya sida xashiishka, Sigaarka, iyo Khaadka,’’.

Shirkaasi qodabadii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in la badallay magacii Al-Shabaab oo sida laga sheegay shirka lagu badallay “Imaarada Islaamiga Soomaaliyeed’’ kaasoo noqon doona magaca rasmiga ah ee kooxda Al-Shabaab.

Waxaa shirkaasi ka hadlay Xasan Daahir Aweys, Mukhtaar Roobow Abuu-Masuur, Cali Max’uud Raagga (Cali Dheere) iyo waliba shaqsiyaad kale oo ka tirsan isla kooxda Al-Shabaab.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: