Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxeyso gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo ku qarxay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Dad kabadan illaa Sadex Qof ayaa ku geeriyootay qaar kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Baabuurka oo ahaa kuwa yar yar ayaa la sheegay in ay qabteen ciidamada amaanka balse uu ku qarxay intii ay baarayeen, warar kale ayaa sheeegaya in gaariga qarxay uu ahaa baabuur si ula kac ah loo qarxiyey.

Isgoyska KM-4 ayaa kamid ah kuwa ugu mashquulka badan isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana xiligaasi hagayey wadada ciidamo taraafiko ah tan iyo bishi hore si weyn halkaasi uga dhex muuqday.

Wadada KM-4 ayaa hada ah mid aad u cakiran waxaana xiray oo isku gadaamay ciidamada booliska, ma jirto cid sheegatay qaraxa, sidoo kale wali waxaa isa soo taraya warka ku saabsan qaraxa, wixi kusoo kordhana dib ayaanu idin kala soo socod siin doonaa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: