Wasiiro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo booqday Arday ka timid Maamulka Somaliland oo wax barasho u joogo magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Mas’uuliyiin uu horkacayay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Difaaca oo maanta booqday xarun ay ku sugnayeen arday ka timid maamulka Soomaaliland, kuwaas oo deeqo wax barasho u joogo magaalada Muqdisho.

Mudane Xuseen Carab Ciise ku simaha R/wasaraaha dalka ahna wasiirka wasaradda difaaca oo ay wehliyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/samada Macalin Maxamuud, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska iyo hay’adda naba sugidda qaranka ayaa soo booqday goob ay magaalada Muqdisho ka degnayihiin arday Soomaaliyeed oo ka yimid degaannada maamul goboleedka Soomaliland kuwas oo doonaya in ay ka qeybqaataan Deeqaha waxbarasho oo ay dowladdu ka heshay wadanka Turkiga.

Ugu horeeyntii ku simaha R/wasaraaha iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotay ayaa  warbixinno iyo cabashooyin ka dhageystay waalidiinta, salaadiinta iyo ardayda ka timid  maamul Goboleedka Soomaaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ka hadlay goobta ayaa tilmaamay in  Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogagna ugu jirto sidii ay ardaydani u heli lahaayeen waxbarasho dalka dibaddiisa ah isla markaana lasii dardargelinayo dadaalladaasi.

Sidoo kale ku simaah R/wasaraha ahna Wasiirka difacaa Xuseen Carab Ciise oo la hadlay ardayda ayaa sheegay in dowladda Soomaaaliya ay dalka Turkiga u qadaayso ardaydaasi islamrkaana ay ka wadahadleen madaxda safaaradda Turkiga ee Soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqay in dalka ay dhisi karaan oo kaliya dadka wax soo bartay.

Ardayada maanta ay booqdeen kusimaha R/wasaraaha iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxa ay ka mid ahaayeen arday horay imtixaanaad looga qaaday magaalada Muqdisho islamarkaana ku guuleystay imtixaanaadkii loo galyay deeqaha waxbarasho oo ay dowladda Soomaaliyeed ka heshay wadanka Turkiga inkastoo arday aad u fara badan oo ka yimid gobollada kala duwan ee dalka horay loogu qaaday wadanka Turkiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: