Advertisements

Sheikh Axmed Xaashi C/raxmaan oo ka mid ahaa Culu’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ah oo xalay lagu dilay magaalada Boosaaso.

Halkaan ka akhri

Sheikh Axmed Xaashi C/raxmaan oo kamid ah Culu’udiinka Soomaaliyeed ayaa xalay waxa ay kooxo hubeysan ay ku dileen  magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri

Sheikh Axmed Xaashi C/raxmaan oo si weyn looga yaqaanay magaalada Boosaaso ayaa waxaa xalay lagu hor dilay Masjika Xamiid ee xaafadda Rab iyo  Raaxo ee magaalada Boosaaso xilli uu ka soo baxay salaadda Cishaha islamarkaana uu ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaadadda Rab iyo Raaxo.

Kooxihii dilka u geystay Sheekha oo Bastoollada ku hubeysanaa ayaa ka baxsaday goobta dilka uu ka dhacay sida uu inoo xaqiijiyay  mid ka mid ah dadka deegaanka.

Allaha u naxariistee marxuum Sheikh Axmed Xaashi C/raxmaan ayaa inta uusan ka soo bixin Masjika Xamiid waxaa uu akhrinayay wacdi, iyadoo halkaasi ay ku sugnaayeen dad weyne badan oo ka faa’ideysanayay Xikmada Diiniga ah ee Sheekha.

Illaa hadda marjiyaan wax warar ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Barri kaasi oo ku aadan dilka looga geystay Sheekh caan ka ahaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri.

SomaliSwiss Boosaaso

SoomaaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: