Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo maanta ka doodi doono Mooshinka la doonaayo inuu xilka isaga dego Gudoonka Baarlamaanka.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ay maanta ka doodi doono Mooshinka la doonaayo inuu xilka isaga dego Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

Guddi ka socda Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ee iyagu doonaya inay xilka ka tuuraan Guddoonka Baarlamaanka ayaa maanta kulan la yeelanaya Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana kulankaasi soo qabanqaabiyay taliska ciidamada AMISOM.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya  oo dhowaan ku dhawaaqay inay Golaha hor dhigayaan mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan Sheikh Aadan kaasi oo maanta ka dhacayo xarunta Golaha Shacabka ayaa lagu soo warramay inay is hor taageen ciidamada AMISOM, kuwaasi oo diiday inay furaan xarunta Golaha si ay mudanayaasha howshooda u gutaan.

Xildhibaan ka tirsan guddiga Mudanayaasha doonaya inay ridaan Shariif Xasan ayaa ka warbixiyay kulanka maanta ay la yeelanayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu sheegay Xildhibaankaas in kulanka ay la yeelanayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dhexdhexaadinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

kulankaasi oo la sheegay markii ay diideen Ciidamada  Amisom inay furaan xarunta Golaha Baarlamaanka ku yiri xildhibaanada mucaaradka ah “Waan idin kulansiineynaa Guddigiina Xildhibaanada mucaaradka ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka”.

Si kasta ha ahaatee waxaa la ogeyn waxa ka soo bixi kara kulanka ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelanayaan guddiga Xildhibaanada miiska u saaran mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan, balse saraakiisha AMISOM ayaa iyagu doonaya in khilaafka u dhaxeeya Shariif Xasan iyo Mudanayaasha uu ku soo gabagaboobo jawi degan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: