Xidigihii Qadka dhexe ee Kubadda Cagta iyo Mid ka mida Xidigahaasi oo aan wareysi la yeelanay.

HOOS KA DAAWO SAWIRO

Halkaan ka akhri

Xubinteena boortiga ee Maanta waxaan ku eegeynaa Xidigihii Ugu Wanaagsanaa Qadka dhexe ee Kubadda Cagta Soomaliya Xiligii Barisamaadka,kuwasoo lagu xasuusto Boosaska Lambarada 6 iyo 8 isla markaana bahda Isboortiga ay ku xasuustaan Kaalintii ay uga muuqan jireen Booska Dhexda oo ah isku xirka Weerarka iyo difaaca. Hadaba Laacibiinta lagu Xasuusto Qadka dhexe Waxaa ka mid ahaa

Kiler……………………………………………………….. Horseed

Shaarkeey…………………………………………………Horseed

Shaqaaq…………………………………………………..LLPP

Cabdiladiif…………………………………………….Horseed

Axmed Cali Culusoow————————————Horseed

Cabdishakuur………………………………………………LLPP

Cantar………………………………………………………….LLPP

Burci………………………………………………………..Horseed.

Xasan Yare————————————————-Wagad

Fuaad……………………………………………………………..LLPP

AUN Baasi Balaqoow………………………………..Horseed

Ganjab———————————————————Wagad

Folkaawo………………………………………………..Batroolka

Cabdalla Quuq————————————————-Batroolka

Majabe——————————————————–MBC

Muriidi…………………………………………………..MBC

Cabdicasiis—————————————————- Gaadiidka

Binshaakir——————————————————-Muqdisho

Cumar Calasoow———————————————Muqdisho

Abuukar Shaash………………………………………………Wagad

Cusmaan Oskar——————————————————-Batroolka

Shiikha——————————————————————–MBC

Nuur Amiin————————————————————-MBC

Seyga Ruushka———————————————————Horseed

Xarbi————————————————————————Horseed

Cali Ducaale——————————————————————-Wagad

Hilowle Gaab——————————————————————Wagad

Aweys Xaaji——————————————————————–Batroolka

Ciyaaryahan Abuukar Sheekh Saciid oo lagu naynaaso j Abuukar Shaash waxa uu ka mid ahaa Xidigihii Qadka dhexe ee Soo Maray Wagad isla markaana lagu Xasuusto Lambarka Buuxa 10.

Abuukar Shaash oo ku caan baxay Asluub Wanaag iyo Kubad farsamadeedu aad u sareysay ayaa Timaamay in Gobolka Banadir uu markii hore u saftay intaaanu ka mid noqon Sarea A Wagad oo aheyd koox aad u adag.

1980-kii waxaan u saftay Banaadir sanad kadibna waxaan ka mid noqday wagad oo ay u ciyaari jireen Ciyaaryahano magac weyn ku lahaa Isboortiga Soomaliya,naadiga mudadii aan joogay waxaan kula guuleystay Horyaalka kubadda Cagta 1982 balse kuma sii raagin oo waxaan ka soo tagay wadanka Sabtembar 1983.

Abuukar Shaash waxaa uu ku baaqay in la dhiirigaliyo Isboortiga maadaama uu yahay Furaha isdhexgalka Bulshada waxa uu Hoosta ka xariiqay in Wadanka Sooaamliya ay lahaan jireen Ciyaartooy magac weyn lahaa isagoo xusay in Naadiga Wagad uu ak mid ahaa Naadiyada ugu Ciyaarta Wanaagsanaa naadiyadii heerka 1aad.

Abuukar Shaash waxaa uu ahaa Laacib Hanaan isboorti leh isla markaana si weyn uga dhex muuqan jiray Kooxdiisa isagoo marka kubadu ay soo gasho lugihiisa adeegsan jiray farsamo aad u sareysa waxaana uu ahaa laacib aad uga dhex muuqan jiray Qadka dhexe oo ay ku tiirsaneyd Kooxdiisii Wagad iyo markuu ka tirsanaa Gobolka Banaadir. Sourse SomaliWeyn

Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle’ uurdoox’

uurdoox2011@hotmail.com

%d bloggers like this: