Ra’isal Wasaare C/weli M. Cali Gaas oo saakay booqasho Rasmi ah ku tagay dalka Kuwait.

Halkaan ka akhri

Ra’iisal Wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii la dhaafay ku sugnaa wadanka Qadar ayaa la sheegayaa in saakay uu ka degay Garoonka diyaaradaha ee wadanka Kuwait, waxaa  soo dhoweynta Ra’iisal Wasaaraha ka qeyb qaadatay madax ka ah Dowladda Kuwait iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Kuweyt, waxaana la filayaa in maanta uu  kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dowladda Kuweyt.

Hadal kooban oo Ra’isal wasaare C/weli uu siiyey Saxaafadda dalka Kuwait ayaa wuxuu uga mahad celiyay dowladda Kuwait gargaarkii ay u soo dirtay dalka Soomaaliya oo dadkiisu ay ku habsadeen abaaro galaaftay xoolihii iyo beerihii ay noloshoodu ku tiirsaneyd.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Kuwait ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu booqasho ugu tegayo Amiirka dalka Kuwait, kaddibna uu booqan doono xarunta bisha Cas ee dalka Kuwait, isagoona tilmaamay in Ra’iisal Wasaaruhu kulamo kale oo dheeraad ah la yeelanayo jaaliyadda Soomaalida ee degan dalka Kuweyt.

Warku wuxuu intaa ku daraayaa in ilaa iyo iminka lama sheegin xilliga ay qaadaneyso booqashada Ra’iisal Wasaare C/Weli ee dalka Kuwait, hase yeeshee waxa uu tilmaamay Danjiraha Soomaaliya dalkaasi u jooga in Ra’iisalwasaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan marka uu dhameysto booqashadiisa dalka dib ugu laabanayo.

SomaliSwiss Kuwait

SomaliSswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: