Mahiga iyo Faroole oo ku kulmay Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheikh Max’ed Faroole ayaa Warbaahinta uga warbixiyey kulankii uu la qaatay Ambassador Augustine Mahiga oo ah Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay oo shalay gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta goboleedka Puntland.

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in qodobada ay ka wada hadleen wafdigaasi ay ka mid ahaayeen xilliga la qabanayo shirkii lagu waday in uu ka dhaco Magalada Garoowe iyo in  kulamo gooni gooni ah ay qaateen Mas’uuliyiintii saxiixday qorsho howleedka Xukuumadda KMG, isagoo tilmaamay in wafdiga ay isla garteen xilliga la qabanayo, kaasi oo bartamaha bishan ka dhici doona Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Sidoo kale Faroole wuxuu tilmaamay in Mahiga iyo wafdigii hogaaminayay ay booqdeen Suuqa waynaa ee Magaalada Boosaaso ee maalin ka hor uu dabka baabi’iyay, wuxuuna Faroole ku baaqay inay gacan ka gaystaan Hay’adaha Qaramada Midoobay dhibaatada ka dhacday Suuqaas.

Dhanka kale Kulankan ay gar wadeenka  ka tahay Qaramada Midoobay oo la filayo in bartamaha bishaan uu ka dhaco Magaalada Garoowe ayaa waxaa soo baxaya inay jira dad badan oo ka soo horjeeda in shirkaasi uu ka dhaco Magaalada Garoowe, taas oo ay sabab uga dhigeen inay ka jiraan falal ammaan dari ah.

SomaliSwiss Garoowe

SomaliSswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: