Dowadda Kenya oo shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Dowladda dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, sidoo kale caddeysay inay ka sifeysay Magaalada Nairobi kooxo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo falal ammaan dari ah ka waday gudaha dalkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga ee dowladda Kenya Colonel Cyrus Oguna oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegey in dowladdiisa ay gacanta ku dhigtay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in ay qabteen xilli ay howlgallo malalitari ka sameeyeen Koofurta Soomaaliya.

 Colonel Cyrus Oguna wuxuu Caddeeyey in Xarakada Al Shabaab ay dagaal kula galeen deeganka Bibi ay gacanta ku dhigeen saanad militari ayna bur buriyeen Xarumo militari oo ay Shabaabku ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale Colonel Oguna wuxuu sheegay in dagaalkan ay ku dilnay laba qof oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al Shabaab ayna nolol ku qabteen 3-kalena, qaar ka mid ah kuwaasi ay yihiin Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab, taasina waa guul inoo soo hoyotay oo ay dadka deegaanka inoo surta galiyeen.

Dhanka kale Colonel Cyrus Oguna waxa uu carabka ku dhuftay in gabi ahaan awooddii Al-Shabaab ay daciiftay, waxaana uu shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay u kala qeyb sami doonaan kuwa ay gacanta ku dhigaan iyo kuwa ka baxsada dalka Soomaaliya.

Eric-Kiraithe oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa waxaa uu sheegay inay ka hortageen kooxo ka tirsan Al Shabaab oo falal amaan dari ah ka waday Magaalada Nairobi, isagoo tilmamaay in haatan ammaanka Nairobi uu yahay mid la’isku haleyn karo.

Afhayeenku wuxuu shaaca ka qaaday in Magaalooyinka Mandheera iyo Gaarissa ay ka wadaan  baaritaano lagu baacsanayo Xarakada AL-Shabaab oo doonaya inay falal amni darro ka sameeyaan.

Sida la wada ogsoon yahay horey ayaa afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali dheere) uu Warbaahinta u sheegay in qaraxyo xooggan iyo weerar ballaaran ay ku qaadayaan daaraha waa wayn ee dalka Kenya, shacabka Kenyana ay ka shalayn doonaan Ciidamadooda soo galay Soomaaliya.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: