Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu hogaaminayay oo lagu soo dhoweeyey caasimadda dalka Tanzania ee Dar es Salam.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Adan Abdulle International Airport ee magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dar es salam ee caasimadda dalka Tanzania halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo maanta soo gaaray magaaladda Dar es salam ee wadanka Tanzania ayaa galabta madaxweynaha Tanzania  Jakaya Kikwete la yeeshay  kulan socday muddo saacado ah, kaas oo  ay uga wada hadleen iskaashiga, tababarrada iyo gar-gagaarka bini’aadamino.

Shirkan oo ka dhacay aqalka madaxtooyada ee (State House) ayaa  madaxweynaha Tanzania waxaa uu ku sheegay in Tanzania ay gacan ka siineyso dowladda Soomaaliya dhinacyadda tababarka ciidamada Booliska iyo Militariga, si ay dalka uga sifeeyaan Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ay diyaariyeen goobihii, qalabkii iyo macallimiintii tababari laheyd ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Tanzania Kikwete ayaa dhigiisa Shariif u sheegay in sidoo kale dowladda Tanzania ay ka qeyb qaadaneyso gar-gaarka dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu kasoo gaartay abaarihii ka dhacay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in boqolaal tan oo macaawino ah ay ugu talo galeen dadka dhibaateysan.

Madaxweynaha Shariif ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Jakaya Kekwete, waxaana labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania ka dhaxeeyey xiriir dheer oo soo jireen ah.

SomaliSwiss Dar es salam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: