Dagaal culus oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Xarakada Al-Shabaab oo ka dhaca deegaanka Birta ee Jubbada Hoose.

 Halkaan ka akhri

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qasaaro u geystay maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Birta dheer ee gobolka Jubbada Hoose oo 60km u jira magaalada Kismaayo` kadib weerar halkaasi ay ku qaadeen.
Ciidamada dowaldda ee weerar soo qaaday ayaa waxa ay ka soo dhaqaaqeen deegan lagu magcaabo Kuliyoow iyagoo soo gaaray deeeganka Birta dheer oo qiyaastii magaalada Kismaayo u jira 60km iyadoona halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u xooggan.

Dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa la sheegay in uu qasaaro baaxad leh ka soo gaaray maleeshiyaadkii ku sugnaa goobta howlgalka laga fuliyay, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in gadiid nuuca dagaalka ah ay ka qabsadeen ururka Al-Shabaab islamarkanaa ay Hub badan ay ka furteen maleeshiyaadna ay ka dileen.

Ciidamada dowladda ee fuliyay howgalkii loo soo diray ayaa dib ugu laabtay xarumihii ay ka soo dhaqaaqeen iyaga ku guullesytay howshooda.

SomaliSwiss   Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: