Kulan looga hadlayay arrimaha amniga oo dhex maray dadweynaha xaafadda iyo maamulka degmada Xamarweyne.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Degmada Xamar Weyne oo ka mid ah degmooyinka ugu qadiimsan Gobolka Banaadir waxaa ka dhacay maanta kulankii ugu weynaa uguna ballaarnaa, kaasi oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa amniga degmadaasi oo baryahaan hoos u dhac ku yimid isla markaana ay yeesheen dadweynaha iyo maamulka degmadaasi.

Kulanka ka dhacay Degmada Xamar Weyne waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano, waxgaradka, odayaasha, maamulka degmada Xamar Weyne, haweenka, culumaa’udiinka, dhallinyarada iyo qeybaha bulshada degan Xamar Weyne.

Waxaa kale oo ka soo qeyb galay laashimiinta degmada Xamarweyne ay ku caan tahay oo iyagu ciyaarta hidaha iyo dhaqanka halkaasi ku soo bandhigay, taasi oo soo jiidatay dareenka ka soo qeyb galayaasha kulankaasi.

Xildhibaan Muriidi Golf oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka KMG ah oo halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku cabirayay dareenkiisa ku aadan sida dadweynaha degmada Xamar Weyne mar walba u garab taagan yihiin iyo xadaaradda soo jireenka ahi ee ay leeyihiin dadka gibil cadka ayaa waxa uu sheegay in kulankaani uu yahay mid qiime weyn ugu fadhiya dadweynaha iyo maamulka degmada.

“Waa taariikh lama ilaawaan ah kulamada noocaan oo kale ah ee dadweynaha reer Xamar Weyne ku muujinayaan shucuurtooda nabadeed iyo maamulka dowliga ah oo weligoodba ayna kala jirin intii karaankooda ah” ayuu yiri Xildhibaan Muriidi Golf.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Ibraahim Sahal Gardhuub ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxay mar kaliya soo jeedisay dareenka dadweynaha ka soo qeyb galay madasha kulankaasi, kaddib markii uu sheegay in tan iyo mudadii uu xilka hayay sidii ay ula shaqeeyeen dadweynaha degmada oo uu tilmaamay inay yihiin dad ku caan baxay nabadda iyo derisnimo wanaagga inay kula noolaadaan dadka kale.

“Baryahaan waxaa nasiib darro iyo wax laga xumaado noqotay inay soo baxeen kooxo isku abaabulaya inay hoos u dhigaan xadaaradii soo jireenka ahayd ee ay lahaayeen dadweynaha degmada Xamar Weyne” ayuu yiri Guddoomiye Gardhuub oo ka codsaday bulshada ku dhaqan degmada inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan sidii kooxaha falalka amni darida la dhex meereysanaya degmada Xamar looga dhex saari lahaa.

Dhinaca kale waxaa kulanka degmada Xamar Weyne ka dhacay khudbado kala duwan ka jeediyay waxgaradka, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada degmada, culumaa’udiinka, dhallinyarada iyo haweenka, waxayna xubnihii magacooda ku hadlayay ku ballanqaadeen inay dadaal xoog leh u geli doonaan sidii degmada Xamar Weyne ay u noqon lahayd degmo ka caagan wax kasta oo falalka amni darrida la xariira.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: