Halkaan ka akhri
Waxaa saakay Qarax nooca Miinada ah oo lagu soo qariyay Bac madoow lana soo dhigay wadada laamiga ah hareeraheedda Degaanka dharkeenley ee magaaladda Muqdisho lagu qarxiyay Haween Soomalaiyeed oo si mutadawacnimo ah uga shaqeynayay Olole nadaafadeed ee ka socday degmadaasi dharkeenley.
Sida lagu soo warramay Qaraxahaas waxaa halkaas soo dhigeen kooxdda Al-Shabaab, waxaa ilaa iyo haatan ku geeriyooday Haween tiradoodu ay gaarayso 10qof, Â halka Tiro intaasi ka sii badana oo ay ku jiraan caruur arday ah ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi oo ka dhacay halka loo yaqaan agagaarka suuq Liif ee Degmada Dharkeenley.
Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo ah Guddoomiyaha degmada Dharkeenleey oo la hadlaayay saxaafadda ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday haweenka nadaafadda iyo dad kale oo rayid ah oo goobta ku sugnaa.
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Dharkeenleey ayaa sheegay in halka falku ka dhacay ay olole nadaafadeed ka wadeen haween Soomaaliyeed si ay u so celiyaan Bilicdi Degmada, laakin waxaa lala eegtay Miino lagu qarxiyay.
Balse wuxuu caddeeyey guddoomiyuhu in goobtaas ay ku dhinteen qaraxa illaa 10 ka tirsan haweenka halkaasi ku sugnaa, isagoo sheegay in dhacdadaani lagu xasuuqay dad masaakiin ah oo ka shaqeenayay danta ummada Soomaaliyeed in ay tahay mid ay ku caan-bexeen maleeshiyaadka kooxdda Al-Shabaab ee maalmahaan soo cusbooneysiiyay qaraxyadda ay u maleegaayaan ummadda masaakiinta ah.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in dhagar qabe ka tirsan meleeshiyaadka Al-Shabaab uu saakay weerar ismiidaamin ah ku qaaday Xaruntii taliska ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed ee Villa Baydhabo, balse ay fashiliyeen Ciidamadda dawladda ee Xoogga dalka uu Alle waafajiyay in ay ka hortagaan falkaasi foosha xun.
Dhanka kale qarax kaas la mid ah ayaa isla saka waxaa lagu qarxiyay Suuqii bacadlaha ee degamadda Xamar weyne, inkastoo aysan cidina wax ku noqon.
Sida la wada ogsoon yahay toddobaayadii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo taraayay qaraxyadda ceynkaan oo kale ah oo ay si isdabajoog ah u soo dhigaayeen kooxdda Al-Shabaab, kadib markii ay ku fashilmeen dagaaladii foolka foolka ahaa oo ay soo qaadi jireen markasta, waxayna dagaalkaasi ka door bideen inay dadka rayidka ah iyo ciidamadda dawladda ay wadooyinka u so dhigaan walxa qaarxa.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.