Jen. C/kariin Yusuf Aadan (Dhegabadan) oo saakay ka badbaaday nin isku miidaamiyay Walxaha qaraxa gudaha Xerada Ciidamada ee Villa Baydhabo.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho saakay ayaa  sheegaya in qarax is miidaamin uu ka dhacay xerada Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, kaddib markii nin gashan dareyska ciidamada uu isku dayay inuu u galo xafiis uu fadhiyay Abaanduuliyaha ciidamada Xoogga dalka Gen. C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan).

Sida la wada ogsoon yahay Xerada Villa Baydhaba ayaa waxaa ku jiraan ciidamo fara badan isla markaana ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee ay leeyihiin ciidamada Dowladda KMG ah ayaa la sheegayaa in ninka ay celiyeen ninkii doonayay Abaanduuliyaha, hase yeeshee ninkaasi ayaa markii dambe isku qarxiyay goobtaasi.

Waxaa goobtaas hareereeyey Ciidamada Milateriga Dowladda KMG ah, iyagoona bilaabay howlgallo baaritaan oo ay ku baadi goobayaan kooxaha ka dambeeya qaraxaasi, inkasta oo markii dambe ay ogaadeen inuu ahaa nin is miidaamiye ahaa.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa is miidaamin ay ku geeriyoodeen ilaa saddex askari, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan, kuwaasi oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo Isbitaalka ciidamada ay leeyihiin, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka xerada Villa Baydhaba oo saakay qarax is miidaamin ka dhacay, kaasi oo uu ka badbaaday Abaanduuliyaha ciidamada Dowladda Gen. Dhegabadan.

Dhinaca kale Taliyaha guud ee xerada Villa Baydhaba ayaa amar ku bixiyay in la adkeeyo amniga xeradaasi, isagoona sheegay in ninka is miidaamiyay uu ahaa nin gashan dareyska ciidamada isla markaana walxaha qarxa isku soo xiray.

Si kasta ha u dhacee qaraxa is miidaaminta ahaa waxaa lala damacsanaa Abaanduuliyaha ciidamada Milateriga Dowladda KMG ah Gen. Dhega-badan, balse fashilmay ayaa wali jirin cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay.

SomaliSwiss  Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: