Advertisements

Wasiirka Waxbarashada dowladda KMG Soomaaliya oo ku ceeboobay dalka Sacuudiga.

undefinedHalkaan ka akhri

Wasiirka Waxbarashada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ceeb iyo weji gabax kala kulmay, dalka Sacuudiga, ka dib markii kulan uu la yeeshay dhiggiisa boqortooyada Sacuudi Arabiya uu si quursi leh uga jawaabay codsi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu u gudbiyay Wasiirku.

Wasiirka oo codsaday in deeq, waxbarasho ay ugu deeqdo dowladda Sacuudigu ayaa loo sheegay in dowladdu Sacuudiga aysan danayn inay deeq waxbarasho siiso arday Soomaaliyeed oo ka timaada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Sacuudiga ayaa ugu dambayntii sheegay inay ugu deeqayaan inay Soomaalidu dalka Sacuudiga u soo dirsato 20 arday oo kaliya.

Wasiirka waxbarashda dowladda KMG ah ee Soomaaliya Axmed Caydiid Ibraahim oo hadda ku sugan dalka Sacuudiga, isla markaana halkaasi kulamo kula qaatay wasiirka tacliinta sare ee dalka Sacuudiga oo codsigaas gaarsiiyay boqortooyada, si ay deeq waxbarasho u siiso arday Soomaaliyeed ayaa kala kulmay wax u muuqday quursi.

Kulankoodii ka dib ayuu wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Sacuudiga u sheegay in codsi uu u gudbiyay dowladda Sacuudiga aysan wax sidaasi ah ka soo bixin, isagoo xusay in dalka Sacuudigu uu diiday inuu deeq waxbarasho siiyo wax ka abdan 80 arday, hase yeeshee wuxuu xusay in jaaliyaddu ay nasiib u yeelatay inay codsadaan 60 ka mid ah ardaydaas.

Ogolaanshaha 80-ka Arday ayaa shuruud looga dhigay in 20 Arday oo kaliya ay ka imaan doonaan dalka Soomaaliya, kaddib markii imtixaan ay ku galaan magaalada Muqdisho, halka 60-ka kalena laga soo xuli doono Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka Sacuudiga.

Haddii ay sax tahay tiradaasi 80-ka ah ee Wasiirku sheegay iyo shuruudaha ku xiranba, waa tiradii ugu yareyd ee dowladda Soomaaliya loogu deeqo, markii loo fiiriyo,  deeqo waxbarasho oo ay horey dalka Soomaaliya ugu deeqeen dalalka Sudan, Turki, Imaaraadka iyo wadamo kale oo kulligood ka dhaqaale yar dalka Sacuudiga.

SomaliSwiss Jiddah

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: