HOOS KA FIIRI MAGACYADADA
Halkaan ka akhriÂ
Xarakadda Al-Shabaab ayaa Shalay ku dhawaaqay inay shaqadii ay ka hayeen dalka Soomaaliya ka joojiyeen, qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka oo badankood hoos taga, Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo Al-Shabaab qoonsadeen, isla markaana xuseen inaysan ka shaqeyn karin dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan.
Hay’adaha ay sheegeen inay shaqada ka joojiyeen oo gaaraya ilaa iyo 16 Hey’adood ayaa ah, kuwii ka harsanaa Hey’adaha Qaramada Midobay hoos taga ee aan horey ugu jirin liiska samafalayaal Al-Shabaab hore u Mamnucen, waxayna kala yihiin:
- United Nations High Commissioner for Refugees
(UNHCR). - World Health Organisation
(WHO). - United Nations Children’s Fund
(UNICEF). - United Nations Population
Fund (UNFPA). - United Nations Office for
Project Services (UNOPS). - Food Security and Nutrition
Analysis Unit (FSNAU). - Norwegian Refugee Council
(NRC). - Danish Refugee Council (DRC).
- Concern.
- Norwegian Church Aid (NCA).
- Cooperazione Internazionale
(COOPI). - Swedish African Welfare
Alliance (SAWA). - German Agency For Technical
Cooperation (GTZ). - Action Contre la Faim (ACF).
- Solidarity.
- Saacid.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.