Dowladda Britain oo sheegtay in bisha Febraayo dalkeeda lagu qabanayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay shaaca ka qaaday xilliga uu dhacayo shirka ay martigelineyso ee ku saabsan xasilinta Soomaaliya, kaasi oo ay dhawaan ku baaqday in laga soo qeybgalo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Britain William Hague ayaa sheegay in shirkaas lagu qabanayo magaalada London 23-ka bisha February ee sanadka dambe, wuxuuna sheegay in diiradda lagu saari doono qaabka loola tacaali karo burcad badeednnimada ka jirta xeebaha Soomaaliya iyo in caalamka uu la yimaado tallaabooyin ka duwan kuwa hadda jira oo lagula dagaallamayo kooxahaasi.

Hague ayaa waxa uu intaasi ku daray in qorshuhu yahay in shirka ay ka soo baxaan natiijooyin ugu yaraan xal u ah dhibaatada Soomaaliya ka taagan, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaali badan ay billihii u dambeeyey gaariyoodeen, qaar badanna gudaha dalka ku barakaceen.

Si kastaba ha’ahaatee, ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa horay ugu baaqay shirkaan, wuxuuna sheegay in looga golleeyahay in xal loo helo arrinta Soomaaliya.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: