Dhismayaal cusub oo laga hirgelinayo garoonka diyaaradaha Aadan Abdulle ee Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Mashaariic lagu horumarinayo adeegyada Imagareeshinka Soomaaliya oo ay fulineyso dowladda Japan ayaa maanta ka bilowday magaalada Muqdisho.

Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilowday dhismayaal cusub oo loogu talagalay Imagareeshinka oo hoos yimaada hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha kaas oo ay fulineyso dowladda Jaban.

Taliyaha hoggaanka socdaalka Jinsiyadaha G/sare C/llaahi Gaafoow ayaa sheegay in sidoo kale dowlada Japan ay dhismayaal kale oo uu leeyahay Imagareeshinka ka hirgelin doonto gudaha dekedda Muqdisho.

Dhismayaal kale oo laagu talagalay Imagareeshinka ayuu taliyuhu sheegay in laga horgelin doona Muqdisho halkaas oo noqon doonta xarun uu ku shaqeeyo Imagareeshinka si loogu fuliyo adeegyada Imagareeshinka sida bixinta Baasaboorrada.

Arintani ayaa loo arkaa in ay wax weyn ka tari doonto hab sami u socodka howlaha Imagareeshinka kaas oo haatan ku shaqeeya meelo KMG ah. Source Radio Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: