Bayaan laga soo saaray Shirka Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee 26-28 Novembar 2011.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Shirkanni oo ay odayaasha dhaqanka beelaha soomaaliyeed oo 26 bishan kaga furmay gudaha magaalada muqdishisho islamarkaana looga hadlayay 4 qodob oo kala ahaa amniga dastuurka dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaaga oo kolan caynkanai oo kala ah oo looga hadalayo qodabadani ayna soo qaban qaabaiyeen beesha caalmka kana qeyb galayeen bulshada rayidka ah ayaa la soo gaba gaba gabeeyay iyadoona ay odayaashaani dhaqanku ay shirkani ka soo saareen bayaan dhowr qodob ka kooban.

Shirkana oo ay ka qeyb qaadanayeen Nabdoono , Xildhibaano,Ugaasyo, Imaamyo iyo malaaqyo matalayey dhamaan beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa inta uu socday lagu gorfeeynayay .xaalada guud ee dalku marayo. ee dalka soomaaliya gaar ahaan isbadaladii ugu danbeeyay ee dalka sida loo heli karo amni dowlad wanaag dib u heshiisiin iyo walib dastuur iyadoona ay dhamaan Nabdoono , Ugaasyo, Imaamyo iyo malaaqyo matalayey dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee kulankana ka qeyb qaadanayay ay si way uga soo horjeedeen kulank caynkaani oo kala ah oo ay soo qabqabisay beesha caalmka  oo isna muqdisho lagu soo gaba gabeeyay kaa oo ay ku tilmaameeyeen in uu yahay mid lagu jahwareerinayo umada soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kulankani ka hadalayay ayaa faah faahiyay qorshooyinkii kulankanai ay uga hadleen isagoo tilmamaay in kulnkan ay qabteen kolkii ay qodabadaani dhowrka ah ay ku aaminiwaayeen kulanka ay beesha caalmku u qabtay bulashada arayidka ah ee isna muqdisho laga soo gaba gabeeyay.

Shirka Dhaqanka Beelaha Somaliyeed 26-28 Novembar 2011 Bayaanka Shirka .

Somaliya waxaa ka jirtay dowlad Ku meel gar ah (KMG ) in ka badan 10 sanno oo xariir ah ,in kasta o la sameeyey isku dayo badan oo la xiriira s

Idii looga gudbi lahaa ku meel gaarnimada,hadana laguma guuleysan in laga gudbo xaalada KMG .waxaa ilaa iyo hadda aan wax micno leh oo la taaban karo aan laga qaban howlihii kala Guurka ee fududeyn lahaa in la gaaro ujeedadaii la hiigsanaayey oo aheyd Dowladnimo daaim ah oo hanata dhamaan dalka isla markaasna gaarsiisa dadweynaha adegyada bulsho ee aadka logu baahan yahay.

Warmurtiyeed gabgabadii shirka laga soo saray ayaa sidan u qornaa.

Ummada Soomaaliyeed waxay yeelatay waayo aragnimo buuxda oo ay ku fahmi karto wadoyinki hore loogu lumay ,welina ma muuqato waddo cusub oo ayku qanacsan tahay ummadda oo looga bixi karo KMG nimada xaaladaas waxay sababatay rajo xumo ku timid dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee si wada jir ah xoga iyo xoolaha galiyey sidii loo heli lahaa Dowlada somaliyeed oo hanata guud ahaan dalka .dareenkaas ayaa keenay in la qabto shirka dhaqanka beelaha somaliyeed si looga wada arinsado dib u q        aabeynta Dowladnimada inta aanu dhamaan xiliga ka harsan sharciyada dhawaan ay cusbooneysiisteen Hay.addaha dastuuriga ee Dowladda KMG.

Haddaba Odoyaasha dhaqanka ee beelaha Somaliyeed ka dib markii :.

1. ay dareemeen culeyska masuuliyadda ka saran talo ka bixinta iyo toosinta danaha sahrciyada Soomaaliyeed ee dhisidda Nabadda iyo Dowladnimada.

2.ay xaqiiqsadeen in barlamanka hadda jira uu dhacay xiligiisii loona kordhiyey laba jeer ooh ore .taas oo ka dhigeysa cimrigiisa wax ku dhow laba jibaar xiligii loo qoondeeyey in uu xilka haayo sida ku cad asalka cahdiga KMG.

3. ay ku qanceyn in hay.addaha dastuuriga ee dowalada KMG ah anney dhameystirin howlihii loo xilsaaray xiliga kala aguurka .

4. ay garowsadeen wado kasta oo loo maro kororsiimo danbe in ay keeni karto fashil hor leh oo ay ka dhalan karto kala qeybsan bulshada dhaxdeeda ah iyo colaad aan la gareyn meesha ay ku dhamaato.

5. ay ku qanceen in qaabka uu Ambaasdoor mahiiga u maareynayo Dowlad dhisida Soomaaliyeed uu yahay mid keeni kara carqalad hor leh oo sii murjisa qalaalasaha siyaasadeed ee Soomaliya.

6. ay ku qanceen habka Dowlad dhisida iyo kan nabadda dhisidda soomaaliya in uu yahay arin la xiriirta masiirka ummadda Soomaaliyeed ,nasiib darasa tahay in Ambasador mahiiga ka dhigtay mashruuc kooban oo laga leeyahay dano gaaban oo hooseeyo.

7.ay isla qireen in dadka soomaaliyeed wada aqbalsan yahiin miisaanka ismatalaada eek u sameysan 4.5 hase yeeshee waxaa nasiib daro ah ,Odoyaasha dhaqankuna aanay qaadan Karin in ambaasador mahiiga Abuuro ooo kaliye dheelitir la.aanta xaga miisanka ismatalaadda beelaha Soomaaliyeed .

8.ay isla qireen in maamulka Ambaasdoor mahiiga iyo mashruuciisa cusub ee ismatalaada meel ka dhac ku yihiin sahrafta iyo haybadda dhamaan hogaamiyeyaasha dahqanka ee beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa koofurta iyo bartamaha soomaliyeed oo mar kasta u taagan ka gudbinta ummadda daruufaha adaga ee ka dhashay burburka dowladnimo ee sahcabka Soomaaliyeed iyo beesha caalmka baaqa hose ku xusan .

Baaq

1.In la qabto Shir Soomaaliyeed oo ka dhaca gudaha dalka logana arinsanayo aayahay dalka.

2.in aan dib loo qaadin wadooyinkii hore loogu guuldareystay sida ku koobista talada dalka kooxo aan laheyn saldhig sharciyadeed ee kalsoni shacab .

3.dastuur daaim ah oo ummadda soomaaliyeed ku midaysan tahay wuxuu ka danbeeyaa marka la abuuro jawi suurta galinkara in dadku si dhab ah uga qeybqaataan sameyntiisa iyo ansixintiisa.

4.haddaba si lo helo dastuur lagu dhaqmo inta laga gaarayo marxalada ku tilmaman qodobka 3aad ,dhab u eegis halagu sameeyo qabyo qoraalka dastuurka iyo dastuurki lixdankii 1960kii ee ummadda codsatay kuna midowda ,hana laga soo saaro dastuur KMG ah oo lagu sii dhaqmo .

5.in ciidamada Amniga ,hay.addaha amniga iyo shuruucdooda dib loo habeeyo iyada oo xoogaga Amnigane lagu tababaraayo dalka gudihiisa .

6. in si buuxda loo dhameystiro xuquuqda iyo daryeelka ciidanka ,lana tayeeyo farsamada iyo qalabka askarigu adeegsado .

7. in hogaanka iman doono uu noqdo mid leh karti waxqabad ,kana hufan musuqmaasuq ,six un u adeegsiga awoodda dowladnimo iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

8. Amniga qaranka ka sokow ,muhiimada 2aad ee dowladdu waa in ay ahaato sii wadida dhab u heshiiisiinta si hoos loogu sii daadago .

9. in guud ahaan hogaamiyeyasha dhaqanka beelaha Soomaaliye .gaar ahaa kuwa koofurta iyo bartamaha Somaliya lagu tixgaliyo laguna garab istaago sii gudashada waajibaadkooda ku aadan nabad dhisidda iyo Dowlad dhisidda .

10 in howlaha gargarka bani ,adannimo ee sii gabagaboobayo lagu bedelo howlo la xiriira dhab u heshiisiin ,barakacayaasha ,dib u soo kabasho dhaqaalahood ah iyo guud ahaan horumarintooda .

Mahadnaq

Shirka wuxuu u mahadcelinayaa dhamaan dowladihii ,hayaddihii iyo shaqsiyaadkii xooga iyo xoolaha uga qeybqaatay badbaadinta dadkii Soomaaliyeed ee ay ku habsatay macluusha gaar ahaan Dowlada iyo shacabka turkiga ee iyaga iyo madaxdoduba la wadaagay xanuunka masiibada welina sii wado garab istaagida shacabka Soomaaliyeed

Wabilaahi towfiiq

Sidoo kale gudoomiyaha dhaqanka beelaha daarood nabdoon c/salaan axamed tunyar oo isan kulankani ka hadalay ayaa sheegay in aan wax natiijo ah ka soo baxayn shir ay ka maqanyihiin odayaasha dhaqanka iyo haweenka oo dowr muhiim ah ku leh nabada soomaaliya.

Guud ahaan odayaasha dhaqanka kulankani ka hadlay ayaa waxa ay u dhaliilayeen ambasidor muhiiga oo ay sheegeen in uu xagal daacin kuwada siyaasada Soomaaliya uusan maranaba raali ka ahayn in ay soomaaliya ay cagaheedo isku taagto.

Baaq bayaanka kadib ka soo baxay kulankani ayaa   waxaaa kamid ahaa in laqabto shir Soomaaliyeed oo ka dhaca gudaha Dalaka loogana arinsanyo aayaha soomaaliya.

Inaan dib loo qaadin wadooyinka horay loogu guul dareeytsay sida ka koobista talada dalka kooxo aan lahayan saldhig sharciyeed iyo kalsooni shacab.

kulmamadaani ku soo gabagaboobay muqdisho ayaa waxa ay daba socdaan kulmo in dhawaanahaaniba natiijo la’aan ku soo gaba gaboobayay oo qaabab kala duwan uga dhacay gudaha magaalada muqdisho.

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: