XILDOONKA REER XUKUN U DIRIR (SHEIKH SHARIIF FILES)

Halkaan ka akhriHORDHAC GUUD

Sheikh Shariif Sheikh Axmad, Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashay gobolka Sh/Dhexe, waxbarashadiisa hoose iyo sare, wuxuu ku qaatay dalka gudihiisa, hase yeeshee burburkii dalka ka dib wuxuu u boqaalay dalka dibaddiisa, isagoo waxbarasho kala duwan ku qatay, dalalka Sudan iyo Liibiya oo dadkii garanayay iyo arday wax labaraty ay noo sheegen inuu waxbarasho heer jaamacadeed ah ku qaatay labadaas dal intii uu joogay.

Sheikh Shariif, wuxuu dalka dib ugu soo laabtay sanadkii 1998-kii, isagoo goor dambe gudoomiye looga dhigay maxkamadda sare ee Gobolka Shabeellada Dhexe ee degmada Jowhar oo uu maamulayay Maxamad Dheere, hase yeeshee goor dambe mar ay isku dhaceen Maxamad Dheere ayuu u soo qaxay dhanka Muqdisho, halkaas oo uu macallin Juquraafi ka noqday iskuul ku yaallay Waqooyiga Muqdisho, isagoo sidoo kalena gudoomiye u noqday Urur ay ku midaysnaayeen Arday ay hore wax isula barteen oo loogu yeeri jiray ururka aqoon yahannada Soomaaliyeed.

Sheikh shariif ayaa goor dambe u dallacay gudoomiyaha midowgii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee Koofurta Soomaaliya, taas oo uu uga sii dallacay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. HALKAAN KA DHEGAYSO QEYBTA 1-AAD ee barnaamishka aan ka diyaarinnay Sheikh shariif

Sheikh shariif, wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyeed kala mid ahaa in sidii uu madaxweyne ku noqon laha darteed u sheegay been fara badan oo haddii barbar dhig lagu sameeyo hadalladiisii hore ee intii uu Maxkamadaha hogaaminayay iyo markii uu madaxweynaha noqday aad fahmi karto ujeedada guud ee uu ku haminayay sheikh shariif.

Markii aad dhegaysato khudbooyinkiisii diineed iyo wareysiyadii uu bixiyay ee intii uu Maxkamadaha hogaaminayay iyo kuwii dambe ee markii uu noqday Madaxweynaha ayay kuu muuqanaysaa in Sheikh shariif haddii uu laba qofood ahaan lahaa hadalladiisu u baahan yihiin dib u heshiisiin tan soomaalidu u baahan tahay oo kale ah.

Si kastaba intaan waxaan ku soo koobeynaa Hordhacaas yar ee qeybtaan aan uga hadli doonno, barnaamishyo taxane ah oo aan idiin soo gudbi doonno qeybta Sheikh shariif Khuseysa. HALKAAN KA DHEGAYSO QEYBTA 1-AAD ee barnaamishka aan ka diyaarinnay Sheikh shariif oo ku saabsanaa hadalladiisii kala duwanaa ee intii uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka iyo markii uu madaxweynaha noqday Labadaba.

Waxaad qeybtaan koowaad uga bogan doontaa, inuu si lamid ah siyaasiyiinta caadiga ah ee Soomaaliyeed, been tii ugu badnayd u sheegay umadda Soomaaliyeed si uu u noqdo madaxweynaha dalka.

Guud ahaan Barnaamishka aan idin kaga diyaarinnay Sheikh shariif, Qeybihiisa 1-aad iyo Qeybta labaad oo isugu jiri doonta qormooyin iyo codad kala duwan, waxaad uga bogan doontaan, isla halkaan goor dhow haddii alle ogolaado.

LA SOCO GOOR DHOW BARNAAMSHKA AAN SHEIKH SHARIIF KA DIYAARINNAY OO DHAMAYS TIRAN, GAAR AHAAN QEYBTIISA 2-AAD OO AAN KU SOO BANDHIGI DOONNO, QORYAASHII QALDANAA IYO QALADAADKII UU KU DHAQAAQAY INTII UU XILKA MADAXTINIMO HAYAY, INNAGOO XOOGGA SAARI DOONNA KUWII BADDA IYO BERRIGA IYO WAXYAABO KALE OO BADAN.

%d bloggers like this: