XILDOONKA REER XUKUN U DIRIR (C/SHAKUUR FILES)

Halkaan ka akhri

HORDHAC

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo dalka Kenya ayaa 7-4-2009, kala saxiixday heshiis ku saabsanaa xuduudka badda ee biyaha labada dal kala qeybiya. HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH HORDHAC AH

Wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xilligaas C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa heshiiskaas la saxiixday Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Moses Watangula. heshiiskaas iyo waxa uu ahaa ayaa C/shakuur la waydiiyay, wuxuuna ku fasiray inuu ahaa is afgarad, isagoo sheegay inaysan Badda Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa lahayn wax xuduud ah oo kala qeybisa.

Heshiiskaasi wuxuu muran gelinayay; Xeerkii Xuduuda Badda Soomaaliyeed oo loo yaqaan Xeer lambar 37, kaas oo la diiwaan geliyay 1974-kii, isagoo laga heli karo ama ka diiwaan gashan xafiisyada qaramada midoobay.
Si kastaba saxiixii C/shakuur, wuxuu Kenya u suurta gelinayay inay sheega karto dhul badeed Soomaaliya ay leedahay, nasiib wanaag shacabka Soomaaliyeed ayaa dal iyo dibad meel uu joogaba si weyn uga  horyimid.

Ugu dambeyntiina, inkastoo C/raxmaan muddo badan ku dadaalay inuu difaaco heshiiskii uu gacantiisa ku saxiixay, hadana goor dambe markii ay u cadaatay inuu kaligiis ku ceeboobay ayuu iska beri yeelayaa arrintaas, wuxuuna sheegayaa cidda iska lahayd hindisaha heshiiska uu ku saxiixay iyo madaxda wax ka ogayd.

BARNAAMISHKAAN OO DHAMAYS TIRAN LA SOCO GOOR DHOW WAQTIYADA SOO SOCDA

%d bloggers like this: