Wafdiga dowladda Turkiga oo xalay Casho Sharaf loogu sameeyay Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Munaasabad casho sharaf ahayd oo loo sameeyay wafdiga Turkiga ee uu hoggaaminayo Ra’isal Wasaare K/Xigeenka Turkiga Bekir Bozdaj ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia, waxaana munaasabadaasi ka soo qeyb galay madax ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, wafdiga Turkiga, madax ka tirsan hay’adaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo marti sharaf.

Xubnaha ka qeyb galay munaasabadda casha sharafta waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra’isal Wasaare C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo madax ka tirsan labada dowladood.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay munaasabadda casha sharafta ah, isagoona sheegay in dowladda Turkiga taageerada kaliya ayna ku koobneyn booqasho oo kaliya, balse taageeradooda ay tahay mid cad oo muuqata.

“Waxaan uga mahad celineynaa madaxda iyo shacabka dowladda Turkiga taageerada ay la garab joogaan walaalahooda Soomaaliyeed oo aan marnaba iloobi doonin” ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay inuu uga mahad celinayo gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo madaxda kale ee Dowladda Turkiga.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Ra’isal Wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya C/Weli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan taageerada horumarineed ee ay dalkooda ka wadaan Dowladda iyo shacabka Turkiga, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan horumarka ay la doonayaan walaalahooda.

Dhinaca kale Ra’isal Wasaare K/Xigeenka dowladda Mr. Bekir Bozdaj ayaa isna ka hadlay munaasabadda casha sharafta ah wuxuuna sheegay in mashaariicda dowladiisu ugu talo gashay dalka Soomaaliya ay tahay mid aad u fara badan, isagoona sheegay inay Muqdisho ka hirgelinayaan xarun weyn oo lagu barto caafimaadka iyo mashaariic kale.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: