Ra’isal wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga oo Dhaggax dhiggay Isbitaal cusub goobo kalena xariga ka jaray.

undefinedHalkaan ka akhri

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA Ra’isal wasaare ku-xigeenka Turkiga oo kusoo dhex wareegay gudaha magaalada Muqdisho.

Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa maanta dhaggax dhiggay Isbitaal cusub oo laga hir galinayo degmada X/jabajan iyadoo dhan kale R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka ay booqdeen xarun looga tala galay carruurta.

Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bakiir Bisaay oo dowladda Turkiga u magcawday  arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta booqday goobo badan isagoo dhaggax dhiggay Isbitaal cusub oo laga hir galinayo agagaarka Iskuul Buliisiya, waxaana markii uu halkaasi tagayay la socda xubno ka tirsan  gollaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Intaasi kadib mudane Bakiir Bisaay waxa uu booqday xarun lagu xanaaneeyo gabdhaha Agoonta oo ku taalla degmada Shangaani ee goboka Banaadir halkaasi oo uu kulla hadlay carruurta ku jirta waxa uuna ballan qaaday in la soo gaarsiin doono agabyo ay wax ku qabsadaan.

Sidoo kale Ra’isal wasaare ku xigeenka walaala Turkiga ayaa waxa uu booqday xarun Caafimaad oo ay dowladda Turkiga ka dhistay waddada Sayidka isagoo eegay sid ay u socota shaqada iyo adeegyada Caafimaad oo loo sameenayo shacabka Soomaaliyeed.

Mr. Bekir Bozdaj ayaa sidoo kale maanta xariga ka jaray xarumo waxbarasho oo ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, waxaa kaloo uu sheegay in ay dayactir ku sameynayaan wadada dheer ee isku xirta madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in dowladiisa ay dalka Soomaaliya ka hirgelineyso mashaariic kala duwan, kuwaasi oo isugu jira mustaqbalka dhow iyo midka dheerba.

Booqashada Ra’isal wasaare ku xigeenka ayaa waxaa ku soo biiray R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali iyadoo haatan ay ku sugan yihiin xarun loogu tala agalay carruurta oo dowladda Turkiga gacanta ku heyso ku taalla agagaarka Km4 ee magaalada Muqdisho.

Waxaana haddal kooban saxaafadda siiyay Mr Bakiir Bisaay waxaa uuna sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dalka ugu quruxda badan qaaradda Afrika maadaama uu lee yahay waxyaabo aan dunida kale laga helli karin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA Ra’isal wasaare ku-xigeenka Turkiga oo kusoo dhex wareegay gudaha magaalada Muqdisho.

Daawo sawirada casha sharafta wafdiga Turkiga.

Daawo Sawirada soo dhoweynta wafdiga Turkiga

Daawo bilow iyo dhamaad Qeybihii ugu xiisaha badnaa Booqashadii R/wasaaraha Turkiga ee Caasimadda Muqdisho.

Daawo booqashadii Erdogan ee Soomaaliya.

Maxaad ka taqaan taariikh nololeedka Ra’isal wasaaraha dalka Turkiga Rajab Tayyip Erdoğan?

DAAWO SAWIRADA Warbixin dheer oo ku saabsan Booqashadii Ra’isal Wasaaraha Turkiga ee Muqdisho iyo meelihii uu booqday maanta.

Qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Ra’isal wasaaraha Turkiga oo ka socota mag. Muqdsiho.

%d bloggers like this: