Ururka Al-Qaacida oo Soomaalida iyo Muslimiinta ku dhaqan dalka Kenya ugu baaqay in ay deg deg Hantidooda ugala baxaan dalkaas.

undefinedHalkaan ka akhri

Ururka Al-Qaacidda ayaa Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya, iyo umadaha kale ee aan Kenyaatiga ahayn ugu baaqay, inay sida ugu dhaqsiyaha badan hantidooda ugala baxaan dalka Kenya.

Farriin lagu daabacay mid ka mid ah shabakadaha Internet-ka ee Bogagga Al-Qaacidda ayaa guud ahaan dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalida loogu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay awoodaan hantidooda uga qaataan dalkaasi.

Farriintaas loo diray dadka Kenya hantida ku haysta ayaa looga digay Soomaalida iyo umadaha kaleba inay hantidooda wayn doonaan, haddii ay sahladaan farriintaas digniinta ah, iyadoo lagu adkeeyay in qof kasta oo hantiyi ka taallo uu sida ugu fudud ama ugu macquulsan uga qaato, hantidiisa dalka Kenya.

Farriintu, waxay xustay in uu jiro, go’aan sir ah oo dowladda Kenya gaartay kaas oo dhigaya, in la xannibo hantida Bankiyada taalla, iyadoo aan loo eegeyn qofku meesha uu ka yimid, balse la eegi doono, waxa uu aaminsan yahay, tusaale ahaan farriintu waxay xustay oo tiri ” qofkii 3 milyan oo dollar ka taallo bankiga looma ogolaan doono, inuu qaato wax ka badan 30kun doollar maalintii, sidaasi oo kalena, maalmo isku xig xiga waxaa ku xiranan kara  shuruudo kale oo keeni kara in dhammaan la xannibo”

Farriintu, waxay xustay, in qof kasta uu haysto jaanis yar oo aan badnayn, iyadoo Sababta ugu weyn lagu sheegay in ilaa iyo hadda uusan bilaaban dagaalka rasmiga ah ee dowladda Kenya ay ka waddo gudaha Soomaaliya, hase yeeshee lagu wado in uu xooggiisa bilowdo dhowaan waa sida farriinta loo dhigaye.

Qoraalkaas digniinta ah ayaa lagu sheegay, in ciddii sahlata farrintaas la dirayo oo aan hantidiisa la bixin, waqti macquul ah, uu goor dambe oo aysan talo jirin, la kulmi karo, hantidiisa oo uu waayo, oo si dadban ama toosan loogla wareego.

Farriinta oo qaabka ay u qorantahay uu ka muuqday miisaan culus ayaa ugu dambeyntii loogu sheegay dadka ay la hadlayso, inay ogaadaan inay isku xiran yihiin, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabad gelyada, Sidaasi darteedna ay maskaxda ku hayaan inay Kenya dagaal gelayso ayna is bedeli doonaan, nabad gelyada, dhaqaalaha iyo siyaasadda intuba.

Farriinta ayaa lagu geba gabeeyay oo dhamaadkeedii lagu yiri “ciddii xoolaheeda kala bixi waysa dalka Kenya, inta aysan imaan isbedello dhici doona, yuusan goor dambe oo talo farihiisa ka baxday eed u soo jeedin cid kale, ee isagu ha is eedeeyo” waxaana lagu soo afmeeray, “ciddii intaas fahmi waysa, kuma jirto dadka aan wax u sheegeyno ama la ahdlayno” oo dabcan loola jeeday, inta fasirka luqadeenna taqaan way nafahmaysaa, inta  kalena loo sheegi maayo.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: