Shirkii Madaxda dowladaha IGAD uga socday magaalada Addis Abeba oo go’aanno laga soo saaray.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Gelinkii dambe ee maanta waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia lagu soo gebo gebeeyey shirkii 19-aad ee Madaxda urur goboleedka IGAD ayadoo gebo gebada Shirkana laga soo saaray go’aanno intooda badan quseeya dalka Soomaaliya.

Madaxda IGAD ee shirka kasoo qeybgashay ayaa isla eegay xaalada amni ee dalka Soomaaliya iyo sida loosii xoojin karo howlgalka dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab, waxaana gunaanudkii shirka laga soo saaray War murtiyeed ka kooban 25 qodob.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo markii uu shirka soo gebo-geboobay Wareysi uu bixiyay waxaa uu tilmaamay in go’aannada shirka kasoo baxay ay badankood yihiin kuwo lagusii xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayadoo go’aannadaasina ay ka mid tahay in dowladda Ethiopia ay ciidamadeeda dowladda Soomaaliya ka taageerto howlgallada ka socda gobollada xuduudaheeda xiga.

HALKAN KA AKHRI HESHIISKII MAANTA

Download this file (Final_Comminuque_of_the_19th_Extra-ordinary_session_of_the_IGAD_HoS.pdf)Final_Comminuque_of_the_19th_Extra-ordinary_session_of_the_IGAD_HoS.pdf

Dhageysato wareysiga wasiirka gaashaandhigga oo ka hadlay go’aamada Shirka

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: