Ra’isal wasaare Gaas iyo golihiisa wasiirada oo ciyaar xiisa leh kusoo bandhigay xeebta Liida.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada ayaa galabta ciyaaro Kubadda Cagta ah uga qeybgalay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciyaartan daawanayeen mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo Cali Mahdi Maxamed.

Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayna goob joog ka aheyd bahda Warbaahinta ayaa waxaa wada ciyaaray Koox loogu magac daray Xukuumada oo uu horkacayay Ra’isal Wasaaraha iyo kooxdiisa oo kala aheyd Wasiirka Qorsheynta C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Isboortiga iyo dhalinyarada Maxamed Muxudiin, Wasiirka Dastuurka iyo A. Federaalka Xoosh Jibriil, Wasiiru dowlaha W. Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Siciid Qoorsheel, Wasiirka kuxigeenka W. Arrimaha Gudaha iyo A. Qaranka C/xakiin Cige Guuleed, iyo Wasiirka kuxigeenka W. Sh. Iyo shaqaalaha Daahir Xaaji Geelle, iyadoo dhanka kalena ay safnaayeen koox ku ciyaareysay magaca Shaqaalaha dowladda, waxaana ciyaartu ku soo gabogabowday 2-1 oo ay ku badiyeen kooxdii ku ciyaareysay magaca Xukuumada.

Ra’isal Wasaaraha oo bahda warfaafinta kula hadlay Xeebta Liido ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ciyaar kaga qeybgalo Xeebta Liido isla markaana uu ku dabaasho, wuxuuna yiri waxay I soo xusuusineysaa arrintan beri samaadkii oo uu xusay in isaga oo degan degmada Boondheere uu maalin kasta oo Jimce ah u soo dabaal tegi jiray xeebtan Liido,

Sidoo kale, Ra’isal Wasaare Gaas waxaa uu tilmaamay in xeebtan laga xoreeyey kooxo caddow ah oo u diiday dadka shacabka ah inay si xor ah ugu soo dabaal iyo ciyaaro tagaan xeebta, maadaama buu yiri ay doonayeen in dhalinyarada aysan helin wax maaweelo ah si ay ugu dagaalamaan kooxahaasi Nabadiidka ah.

“Waxaan leeyahay anigoo fursadan ka faa’iideysanaya dadka qurbejoogta ah dalkiina dib ugu soo laabta, keensada caruurtiina xeebtan ku ciyaaro quruxda badan, oo dalkiinana dib u dhisa” ayuu yiri oo intaasi ku daray in intii uu ku noolaa dalka Mareykanka haddii uu damco inuu aado Badda ay ku qaadan jirtay diyaar garowgeeda in ka badan hal maalin qarashna uu uga bixi jiray balse galabta wax lacag ah isaga oon bixin uu ku yimid in ka yar 20 daqiiqo.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta madaxdii dowladda ay soo booqdaan kuna ciyaaraan xeebta Liido, isagoo xusay in todobaadyo ka hor isagu markii uu Muqidsho yimid uu ugu horeyntii isaga oo xiiso u qaba ku dabaashay Xeebtan Liido.

Ugu dambeyntiina qaar ka mid ah qurbejoogta dhowaanahan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishoh ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in qaar ka mid ah caruurtooda ay joogaan magaalada Muqdisho dhowaana ay rajeynayaan inay dib ugu soo wada laabtaan dalkooda oo ay xiiso badan u qabaan.

–DHAMAAD–

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: