Qeybo ka mid ah xaafadda Soomaalidu ku badan tahay Nairobi ee Islii oo burburin lagu bilaabay.

undefinedHalkaan ka akhri

Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay Magaalada Nairobi  ee wadanka Kenya ee loo yaqaanno Islii ayay maalintii saddaxaad ka socotaa hawlo lagu bur burinayo qaar kamid ah guryaha ku yaala xaafadahaasi.

Qeyb ka mid ah, xaafaddaas oo lagu magacaabo Section3 (Qeybta 3-aad) oo ku dhow Garoon ay leeyihiin Ciidamada Milatariga dalkaas ayay ilaa iyo hadda ku bilaabatay burburintu oo ay ka socotaa maalintii 3-aad, mana jiran wax digniin hore ah oo la siiyay dadka laga duminayo Guryaha.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay amar ku bixiysay in guryaha xaafaddaasi ku yaalla intooda badan dhulka la dhigo, dadkana laga saaro halka guryaha dhaadheer ee dabaqyada ah ee xaafaddaasi u dhowna la amray in la gaabiyo sababo lagu macneeyay dhinaca ammaanka.

Qaar ka mid ah milkiilayaasha guryaha la bur burriyay ayaa sheegay inaysan jirin, haba yaraatee, wax digniin ah, oo la siiyay, isla markaana, si deg deg ah burburin loogu bilaabay xaafaddaas, waxayna xuseen dadkaasi in tan iyo markii burburintu bilaabatay 3 maalmood ka hor ay ogaadeen, in xittaa uusan jirin Wax bedel ah ama qaab kale oo loo diyaariyay dadka guryaha laga duminayo, iyagoo xusay in hore dhulkaas dowladdu uga iibisay, hadana ay bur burinayso, iyadoo aan waxba lala socodsiin.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: