SWITZERLAND: TACSI TIIRAANYO LEH (INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN)

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaan halkan uga tacsiyeyneynaa, haadaanu nahay Bahda Saxaafada SomaliSwiss, Marxuumad  Xaajiya Aamino  Cali Waasuge  oo ku geeriyootay magalada Zürich ee dalkan Switzerland Maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 24/11/11 isla markaana Beri oo Jimca ah lagu Aasi doono isla magaalada Zürich saacada marka ay tahay 10:30 Aroornimo qabuuraha Muslinka ee Zürich.

Dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed waxaanu ku wergelinaynaa in ay ka soo qeyb galaan Duugta. Waxaana uga Tacsiyeyneynaa Ehelada iyo Qaraabada Marxuumadda oo kala jooga dalka dibadiisa iyo gudahiisa, gaar ahaan, waxaan curuurteeda leenahay Samir iyo Iimaan Allaha inaga wada siiyo, bacdigeedna Alle inama fidneeyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN

%d bloggers like this: