Advertisements

Gobollada Jubooyinka oo ay maanta duqeynayaan diyaaradaha dagaalka dalka Kenya.

undefinedHalkaan ka akhri

Diyaaradaha dagaalka  ee Dowladda Kenya ayaa maanta cabsi kulul ku haya Gobolka Jubbada Hoose, waxaana laga cabsi qabaa in duqeymo xoogan ay ka geystaan deegaano fara badan, magaalooyin iyo tuulooyin hoos taga Gobolkaasi.

Diyaaradahan dagaalada ee Dowladda Kenya ayaa waxaa maanta si weyn loogu arkayaa degmada Badhaadhe iyo daafaheeda ee Gobolkada Jubbada Hoose, waxayna shacabku ka muujiyeen argagax iyo cabsi xoogan.

“Magaaladda Badhaadhe Hawadeeda maanta waxaa qabsaday diyaaradaha miigaga ah ee dalka Kenya, guuxa diyaaradaha maanta waxaa laga jooggi la’yahay magaaladda Badhaadhe” ayuu yiri C/Laahi Cali oo ka mid ah dadka maanta ku haray degmada Badhaadhe oo u warramay Saxaafadda.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu yiri “Dadkii ku dhaqnaa degmada Badhaadhe waxaa la-dhihi karaa intooda badan way ka barakaceen, waxayna ka cabsadeen in

Iskusoo wada-duuboo Dowladda Kenya ayaa sida ay sheegtay waxay dooneysaa inay burburiso kooxda Shabaab oo dhibaato xoogan ka wado gudaha dalka Soomaaliya iyo Kenyaba, iyadoo shacabka Soomaaliyed ay si weyn uga soo horjeesteen kooxda Shabaab iyo fara gelinta Kenya iyo Ethiopia labadaba.

SomaliSwiss Baidabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: