Advertisements

Dowlada Ethiopia: Howl gallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab waxaan ku soo biireynaa anagoo qeyb ka ah “IGAD”.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa magaalada Addis Ababa oo ay ku sugan yihiin madaxda ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya ayna kamid yihiin Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa waxaa soo baxaya heshiis ballaaran iyo wadahadallo ay albaabada u xiran yihiin ay wadda yeelanayaan madaxda labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo ambassador Dina Muft oo magaalada Addis Ababa warbaahinta caalamiga ah kula hadlayay ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulamo is daba joog ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay dhexmaray madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab waxaan ku soo bireynaa anagoo qeyb ka ah “IGAD” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Ethiopia mar uu ka jawaabayay su’aalo ay weriyeyaasha weydiiyeen.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay ciidamadooda Ethiopia ee galay gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna arrintaasi ku macneeyay in ay tahay warar aan sal iyo raad lahayn oo been abuur ah, isla markaana ciidamadooda aysan gelin gudaha dalka Soomaaliya.

Ambassador Dina Mufti oo tilmaamay mowqifka dowladiisu ay ka taagan tahay hannaanka nabad ku soo dabaalida wadamada geeska Afrika oo uu sheegay in ay xilligan caqabadda koowaad tahay ururka Al-Shabaab oo uu sheegay in ay gacan saar la leyihiin ururka Al-Qaacida, isla markaana ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Ethiopia Haile Mariam Desalegne ayaa isna sheegay in xukuumadiisu soo dhoweyneyso dadaal kasta oo lagu soo celin karo amniga iyo xasiloonida wadamada geeska Afrika oo uu sheegay in ay halis ku hayaan kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamanka KMG iyo wafdi uu hogaaminayay, isagoona kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay madaxda dowladda Ethiopia.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: