Advertisements

Magaalada Addis Abeba oo Berri looga dhawaaqayo in ciidamada Ethiopia ay kamid noqonayan Amisom

undefinedHalkaan ka akhri

Kulan ay ka soo qeybgalayaan hogaamiyaasha Midowga Afrika ayaa maalinta berito ee Jimcaha ka dhacayo, magaalada Addis Abeba ee xarunta wadanka Ethiopia.

Kulankan oo ah mid arimaha amaanka ee gobolka Geeska Afrika diirada lagu saarayo ayaa waxaa ka soo qeybgalaya madaxda iyo ra’isa wasaarayaasha wadamada ku jira Midowga Afrika iyo kuwa urur goboleedka IGAD.

Dhanka DKMG Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu berito gaaro Ethiopia madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyadoo dhanka kalana wafdi uu hogaaminayo afhayeenka barlamaanka, Shariif Xasan ay haatan ku sugan yihiin Addis Ababa, halkaas oo ay gaareen maalmo ka hor.

Ilo wareedyo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono sidii loo ballaarin lahaa hawlgalka Midowga Afrika ee la baxay Amisom kuwaasoo hadda ku kooban wadamada Uganda iyo Burundi oo kaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka socda Ethiopia loo ogolaan doono inay ku soo biiraan Amisom si ay qeyb uga qaataan hawlgalada la doonayo in lagula dagaalamo ururka Al-Shabab si looga saaro gobolada koonfureed oo intooda badan iyaga hoos yimaada. Arintan ayaa la sheegayaa inay ku timid baaq ka yimid Midowga Afrika oo weydiistay wadanka Ethiopia inay qeyb ka qaadato dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Arrintaas lago ogolaanayo Ethiopia ciidamadeeda ayaa ku soo beegmeysaa xilli sidoo kale ciidamada Ethiopia ay hadda ku sugan yihiin gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo ay fariisimo ka sameysteen.

Gobolada Bay iyo Bakool Warar si hoose ku soo gaaray SomaliSwiss, waxay sheegayaan in wafdiga afhayeenka barlamaanka oo ay wehliyaan xildhibaano ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ay doonayaan in arinta goboladaasi lagala tashado iyaga isla markaana ay Ethiopia si gaar ah uga codsadaan inay u xoreyso goboladooda oo hadda Al-Shabaab ka taliyaan ka dibna ay ku dhawaaqaan maamul goboleed beelaha Digil iyo Mirifle ay leeyihiin, kaasoo xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: