Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo isku khilaafay inta mid kasta uu ka qaadanayo Maabka Soomaaliya.

WARBIXIN IYO XOG XASAASI AH

undefinedHalkaan ka akhri

Kadib duulaankii rogaal celiska ahaa ee ay Ethiopia ku soo qaaday qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladda Ethiopia ay dhinaceeda doonayso si lamid ah Gaandiga Kenya in Gobollada Bay iyo Bakool ay ka dhisto Maamul hoos yimaada Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah Saaxibka hada ugu weyn ee Ethiopia ugu jira Xukuumada KMG ah amaba koonfurta Soomaaliya, kadib burburkii hogaamiye kooxeedyadii iyo dhamaadka muuqii Siyaasadeed ee C/llaahi Yusuf iyo Cali Geedi.

Hadaba wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan Airporka Aadan Cade ayaa sheegaya in ay shalay soo caga-dhigatay diyaarada Ethiopian Airline, taas oo sida la sheegay aan wax rakaab ah la socon, isla markaana ka soo duushay garoonk diyaaradaha Booley ee magaalada Addis Ababa.

Wararkan ayaa intaas ku daraya in diyaarada loo soo diray in ay qaado wafdi uu Hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo ay wehliyaan Xaabsade, Aadan Madoobe, Xildhibaano iyo Ganacsato ka soo jeeda Bay iyo Bakool, kuwaas oo horay u raacay diyaaradii loo soo diray isla markaana qorshuhu yahay in ay buuxiyaan maamul goboleed loo sameyn doona gobolada koonfureed isla markaana lid ku ah kan ay dowladda Kenya wadato ee Azaaniyada lagu soo dhisay Kenya.

Dhinaca kalena madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa ay wali inkirsan tahay soo galida ciidanka Ethiopia, sidii ay Maalmo ka horba aheyd inta aanay Kenya iyada iskeeda u cadeysan joogitaankeeda gudaha dalka Soomaaliya. HALKAN KA AKHRI QORAAL ENGLISH AH OO AY DOWLADDA KU INKIRTAY SOO GELIDA CIIDAMADA ETHIOPIA EE GUDAHA SOOMAALIYA.

Hadaba jawaabaha kale ee laga fili karaahi maxay noqonayaan, tusaale waxaa noogu filan, tii ay ka bixiyeen soo gelitaanka Kenya.

Ma xusuusataa in Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa Gaashaandhiga ay Kenya lasoo saxiixdeen Heshiiska oo muran dhex dhigay madaxda dowladda. Halkaan ka akhri, qoraalkaas.

Sidoo kale Halkaan ka akhri, qoraalkii ay Madaxweyne, shariif, wasiirka 1-aad iyo kan Gaashaan dhigga, saddexdoodu si wada jir ah u soo saareen ee ku in kireen inay la socdaan soo gelitaanka Kenya.

Halkaan ka akhri ama ka dhegayso Sheikh Shariif oo yiri “soo gelitaanka Kenya maaha, mid shacabka Soomaaliyeed aqbali karo”

Hadana Halkaan ka akhri Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo mar kale dib ula saxiixay Kenya heshiis kale oo labaad, Sidoo kale Halkaan ka akhri Heshiiskii dambe ee maalmo ka hor uu madaxweyne shariif ku saxiixay Kenya.

Hadaba, intaas oo laysu geeyay, waxay marqaati ka tahay in aysan madaxda soomaalidu ku socon, akhtiyaarkooda iyo masiirka rabitaankooda iyo kan Soomaalida.

Dhanka kale Kenya ayaa isbuucii hore Hotelka Hilton ee magaalada Nairobi ku shirisay madax badan oo ka socotay Beesha Daarood, waxaana ay u sheegtay in ay dhistaan maamul laga yagleelo Jubooyinka, iyadoo siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba ay Kenya taageerayso maamulkaas, waana laysku afgartay.

Ethiopia waxay taas uga jawaabtay, in ay u yeertay iyaduna dhammaan madaxdii Digil iyo Mirifle, ka soo biloow, Shariif Sakiin, Xaabsade, Aadan Madoobe, Xildhibaano iyo Ganacsato fara badan, kuwaas oo hadda ku sugan Addis Ababa isla markaana loo soo dhiibayo qorshe ay Ethiopia raalli ka tahay loogana hortegayo mashruuca Azaaniyada ay wadato dowladda Kenya.

Cidii uu shaki uga jiro, dib ha u dhuuxdo, wareysi maqal ah oo uu bixiyay gudoomiye xigeenka Kenya Farax Macallin oo uu uga hadlayo in fara gelinta Kenya ee Soomaaliya ay sax tahay, laakiin tan Ethiopia soo gelitaankeeda Soomaaliya uu yahay qalad, isagoo sabab uga dhigay in ay carqaladeynayso sababtii ay u soo galeen Kenyaatigu dalka Soomaaliya, Faarax Macalin waxaa uu weliba intaasi ku daray in aysan dhici doonin in gobolada koonfureed ee Soomaaliya mar dambe laga xukumo magaalada Muqdisho, cidii ku fikirtana ay riyooneyso.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDOOMIYE KU-XIGEENKA BAARLAMANKA KENYA FAARAX MACALIN

Cidii doonto way baari kartaa, todobaadkii ina dhaafay Hilton Nairobi, cidda ku shirtay iyo cidda casuumtay, iyo waxa looga hadlay, hala yaabin haddii aad soo maqasho in ay halkaas ku sugnaayeen, oo ay xittaa joogeen madax sare oo ka socotay Puntland.

Ogoow in labadii habeen ee lasoo dhaafay Ahlu-Sunna lagula shiray saldhigooda gobollada dhexe laga xakumo, halka Digil iyo Mirifle shirkoodu ka socdo, Addis ababa.

Ogoow in kulankii ay Kenya ku yeesheen 3-da madaxweyne ee Soomaaliya, Kenya iyo Uganda loo diiday in uu ka qayb galo Melez Zenawi.

Sidoo kale, ogaaw, in taas Jawaabtii uu ka bixiyay ay ahayd inuu ciidankiisa soo geliyo Soomaaliya, taas oo uu macnaheedu yahay, haddii aanan xisaab ku qayb-sanayn Soomaaliya aan xoog ku kala qaadanno.

Dowladaha Kenya iyo Uganda oo in mudda ah uusan xiriirkoodu aad u wanaagsaneyn ayaa waxaa dhowaan dhex dhexaadiyay dowladda Israel, heshiiskaas oo laga fahmi karay in si wanaagsan loogu heshiiyay markii Meles Zenawi Shirka Kenya laga celiyay, Sheikh Shariif-na lagu ogoleysiiyay in uu saxiixo heshiiskii uu horay u diiday ee uu sheegay in aysan Soomaalidu aqbali karin.

Isku soo wada duub muuqaalka kasoo dhex iftiimaya arimahaas oo la isku geeyay wuxuu noqonayaa  Soomaaliyeey dantaada garo oo dalkaaga difaaco, ama qofkastaaba meesha uu joogo madixiisa meyrax haku duubto.

Ugu dambeytii dhacdooyinka guud ee dhacdooyinkan ayaa lagu soo beegay xilli shacabka Soomaaliyeed ay neceen kooxda Al-Shabaab, welibana awoodoodii inta badan wiiqantay, lakin hadii ay dowladaha Kenya iyo Ethiopia ay moodeen in naceybka ay shacabka Soomaaliyeed Al-Shabaab u qaadeen uu jecleysiinayo gumeysiga cusub ee Kenya iyo Ethiopia waa wax la arki doono.

Sidaasi oo kale hadii ay kooxda Al-Shabaab u maleyso in naceybka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan gumeysta kasta oo kusoo duula wadankooda sida Ethiopia iyo Kenya ay dib u jeclaan doonaan Al-Shabaab iyadana waa wax loo jooga oo la arki doonaa qofkii uu alle nafta u dhaafo, lakin xaqiiqda dhabta ah ayaa waxaa ay tahay oo ay cid walba ogsoon tahay in mabda’a ka dhaxeeya Kenya, Ethiopia iyo Al-Shabaab uu yahay in midkoodna uusan dooneyn Maabka ama Qariirada dalka Soomaaliya.

Waxaa qoray: Yusuf Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

Madaxweyne Shariif:- “In ay ciidamo iska soo galaan gudaha dalkeena dowladda iyo shacabka Soomaliya raali kama ah”.

Farriinta Shacabka Kenya ee Internetka: Dil qof Soomaali ah si Alle kuugu Dembi dhaafo.

Xildhibaan Mareykan ah oo baarlamaanka uga warbixiyay kooxda Al-Shabaab una mahad celiyay Kenya.

Madaxda ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya oo si wadajir ah bayaan uga soo saartay qorshaha Kenya ay kusoo gashay gudaha dalka.

Midowga Yurub iyo Maraykanka oo Sheikh Shariif u sheegay inay raalli ka yihiin qorshaha Kenya ku gashay gudaha Soomaaliya.

Maxaa mideeyay Norway iyo Kenya dhinaca boobka iyo dhicidda Badda Soomaaliya.

Khilaaf laga soo abaabulay dalka Kenya oo laga dareemayo gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

%d bloggers like this: