Halkaan ka akhri
Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay dad shacab ah ku laysay tuulada Cadcadeey oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, ka dib markii dadka deegaanku ay diideen amar ay kooxdu soo saartay oo sheegayay inay wada yimaadaan khudbad laga jeedinayay Masaajid ku yaal magaaladaas.
Ugu yaraan 4 qof oo shacab ah iyo mid ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa ku dhintay iska horimaad xalay dhacay, kaas oo lagu laayay dadkaas shacabka ah, sida ay dadka deegaanku u sheegeen saxaafadda.
Isku dhaca Askarta Al-shabaab iyo dadka deegaanka ayaa bilowday markii Amarka kooxda ay jebiyeen dadka deegaanku, ka dibna askari ka tirsanaa Al-Shabaab uu garaacay Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka ee diiday ka qayb galka muxaadarada Al-shabaab.
Lama yaqaan sida ay ku dam,bayn doonto xaaladdu, hase yeeshee, waxaa deegaanka isla markiiba xalay gaaray gurmadyo badan oo isugu jiray gaadiid dagaal iyo ciidan Shabaabka u gurmaday, kuwaas oo hadda deegaanka gacanta ku haya, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro dad badan oo xalay xabsiga la dhigay, markii guryahooda lagala baxay.
SomaliSwiss Jowhar
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Jowhar |
You must be logged in to post a comment.