Advertisements

Su’aalo La-waydiiyay, Maxamad C/llaahi Farmaajo, Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

HOOS KA AKHRI WARQAD FURAN

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaan jecleystay inaan warqdaddan furan kuu soo diro, iyadoo ay igu dhalisay magaalada Muqdisho isbeddelka ka muuqda, iyo faraqa u dhexeeya markii aad xafiiska heysay, iyo maantadan la joogo halka xaalku marayo.

1- Mudane ciidanka qalabka sida oo hadda ku baahay magaalada inteeda badan saddex bil mushaar ma qaadan.

2- Waddooyinka Muqdisho sidii aad adiguba ka shaqeysay way ku yaraadeen jidgooyooyin lacag baad ah lagu qaado, laakiin waxaa kordhay ciidamada xaafadaha iyo dariiqyada wareegaya iyagoo hubeysan siiba xilliga qaadku soo dhaco.

3- Mucaawinada timaada kuma baahdo dadka loogu talo galay, ee waxaa lagu kala baxaa xaafadaha ku yaal inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada.

4- Waddada Makka-Almukarrama ayaa bil walba dayactir lagu sammeeyaa, toddobaad ka dibna godad kuwii hore ka badan ayaa ka sameysma!! 45 waddo oo kale oo Muqdisho ku taalla mid gaari carro ah lagu shubay ma jirto!.

5- Deeqaha waxbarashada fadeexad weyn ayaa ka dhacday, musuq-maasuq xishood la’aan ah siiba deeqihii Turkiga.

6- Xaafadaha hadda dowladdu ku fidday, wixii maqribti ka dambeeya lama socodo, dhac iyo dil ayaa ka jira.

Sidaas darted mudane waxaan kaa codsanayaa in aad aniga iyo shacabka kale e dareenkan ila wadaaga, iyo waliba golaha wasiirrada ee xafiiska kaa beddelay, in aad noo wada faa’iideyso oo aad noo sheegto sida ay kuugu suurto gashay:-

1- In ciidanka iyo shaqaaluhu bil walba mushaarkooda helaan
2- In ciidamada laga xakameeyo jidadka magaalada.
3- In la yareeyo Musuq-maasuqa.

4- In khasnadda dowladda lagu hago dakhliga dowladda ee aan la hareer marin! Waxaa la yiri nin tegay haddii la tebo waa nin jooga ceebtii.

QORE: YUUSUF AYBAKAR SHADOOR

NB: HADDII AY KULA NOQOTO INAAD WARQADDAN KASOO JAWAABTO, WARQADDAADU HA NOQOTO MID FURAN, SI AAN UGA FAA’IIDEYSANNO INNAGA IYO XUKUUMADDAN JOOGTA.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: