Advertisements

Qeylo-dhaan oo Nairobi ku tumaysa Hees cusub.

HOOS KA FIIRI HEESTA CUSUB

undefinedHalkaan ka akhri

Kabiirka Kooxda Qeylo dhaan Cabdi Shire Jaamac oo dhawaan gaaray magaalada Nairobi ayaa loogu soo dhaweeyay si aad u qiimo badan iyadoo uu aad u mashquul yahay Hoteelka uu ka degan yahay magaalada Nairobi oo ay soo booqanayaan dadweyne ugu hambalyaynaya, shaqadii wadani nimada ahayd ee kooxdu samaynaysay tan iyo markii ay shaqada bilowday.

Taageerayaasha kooxda Qaylo dhaan ayaa lagu arkayay Nairobi iyaga oo koox koox u socda isla markaana garbaha uga jira Mu’allifka iyo dhaqaajiyaha Kooxda Cabdi Shire Jaamac oo hadda ku sugan dalka Kenya caasimaddiisa Nairobi.

Cabdi Shire ayaa ku qaabilayay Hoteelka uu daganyahay dadweyne fara badan oo si niyad ah ugu faraxsan kaalinta libaax ee ay kooxda Qaylo dhaan u hayso bulshada Soomaalida gaar ahaan inta aanan codkoodu meel dheer gaari kareyn.

Cabdi Shire Jaamac ayaa u sheegay wadaniyiinta Soomaaliyeed iyo taageerayaasha kooxda inuu aad ugu faraxsanyahay safarkiisa Nairobi iyo soo dhawaynta qiimaha badan ee uu kala kulmay dadweyne raxan raxan u  socda oo u hambalyaynayay fanaanka, isla markaana marxabaynayay.

“ Waxaan si niyad ah u salaamayaa dhammaan wadaniyiinta Soomaaliyeed iyo taageerayaasha Qaylo dhaan ee ii muujiyay kalsoonida weyn ee ay ku qabaan Hal abuurka iyo bandhigyada kooxda, waxaan sidoo kale salaan u wadaa, dhamaan mutadawaciinta Kooxda meel kasta oo ay joogaan, salaantaas oo aan ka wado kooxda” ayuu yirri Cabdi Shire Jaamac.

Cabdi Shire ayaa miraha iyo dhambaalka hees cusub oo lagu tumi doono dalka Kenya waxa uu ku wareejiyay Weriye yaasha SomaliSwiss iyo Somaliradio, si dadweynaha Soomaaliyeed ay u dhuuxaan miraha heesta inta aysan soo bixin.

Waana kuwaan miraha Heesta cusub oo qoran, looguna magac daray Dhagaxtuur ee nala dhuuxa, wixii talo iyo tusaale ah, fikirkiinna ka dhiibta fadlan:

kuwii dhiiga cabaayay

da’yarteenii dhammeeyay

dhulkeenii kala gooyay

toban dheehna u yeelay

gumeeystuhu uu ku dhaarto

shaxdu seey u dhaceyso

dib iney u dhismaan baa

shirarka loo dhigayaa.

Hooris

Siyaasadiina dhibtaa

Filada dhaafin dhexdeeda

Dad weynihii ku dhammaayee

Dhamaantiinba na dhaafa.

2. BAYDKA LABAAD

dhimanayoo ma noolin

shacabkeenii dhamaayay

Dunidiina na dhaaftay

Riwaayadaheey dhigayeen iyo

Dhagartii socon weyday

Dhimashaa na hor taalla

Aan dhamaasho lahayn

Waqtigoodi dhamaayee

Augosto yey nala dhaafin

Dhagax tuura kuwaas.

Hooris

Siyaasidiina dhibtaa

Filadda dhaafin dhexdeeda

Dad weynihii ku dhamaayee

Dhamaantiinba na dhaaffa.

Qaxooti baan ku dhammaanay

Ilmihii dhaqan guure

Afkeenii ka dhaqaaqe

Diina loo dhigimaayo

Sarwaalkaa ka dhacaayoo

Dhagaheeyba durteen

Waxaa keenay dhibtaas

Sharafteenana dhaamay

Dowlad aan dhab ahayne

Shacabkoow dhiso taada

Hooris ama kooraas:

Siyaasidiina dhibtaa

Filadda dhaafin dhexdeeda

Dad weynihii kudhamaaye

Dhamaantiinba na dhaaffa.

War horaan u dhameynay

Waano waanu ku dhoobnay

Dhagaheey ka xidheen

Warka aanu dhahayno

Hadii ay dhaqso yeellin

Dhiilo weeye colaade

Dhimashaa sidan dhaanta

Baarlamaanka hordhoobta

Dhagaxtuura markaas

Ilaa ay ka dhacaan

Hooris ama kooras:

Siyaasidiina dhibtaa

Filada dhaafin dhexdeeda

Dadweynihii ku dhammaaye

Dhammaantiinba na dhaafa.

DHAMAA……

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah aragtidiinna ka dhiibta.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: