Midowga Afrika oo Kenya iyo Itoobiya u fasaxay in ciidamadoodu geli karaan dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Midowga Africa ayaa sheegay in  lagu heshiiyay in dalka Soomaaliya ay galaan Ciidamo ka socda labada dal  ee Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo la sheegay in qorshahoodu muddo dher socday.

Nissa Roguiai  oo ah Haweenay u hadashay Midowga Afrika ayaa sheegtay in arrintaas ay in muddo ah ka fikirayeen, hadana ay soo dhamaatay oo waxa dhimman oo kaliya ay yihiin in shaqadaas la fuliyo oo ciidamadaasi galaan gudaha dalka Soomaaliya iyagoo AMISOM ah. HALKAAN KA AQRI HADALKEEDA OO ENGLISH AH.

Afhayeenadda ayaa xustay in Ururka Midowga Afrika uu muhiimad gaar ah siinayo in kumanaan ka tirsan ciidamada Ethiopia  loo soo diro gudaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.

HALKAAN KA AKHRI WAR AY SOMALISWISS HORE U DAABACDAY OO SHEEGAYAY IN CIIDAMO ITOOBIYAAN AH AY SOO GELI DOONAAN 7 GOBOL OO SOOMAALIYA AH.

Midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka joogaan ciidamo nabad ilaalin ah oo la dagaalamaya Xarakada Al Shabaab halka ciidamo ka mid ah kuwa Ethiopia ay sheegtay Haweynaydaasi in loo baahan yahay in ay xoog dagaal ka furtaan Koofurta Soomaaliya.

Sidoo kakle Ciidamada dalka Kenya ee hadda ku jira gudaha Soomaaliya ayaa loo bedeli doonaa Amisom, waxaana qayb ka mid ah la geyn doonaa Muqdisho, halka qaybo kale sii wadayaan dagaalka, waxaana Kenya loo sheegay in haddii ay la dagaalamayaan Al-Shabaab ay ciidamadooda Soomaaliya jooga ku biiriyaan kuwa Amisom, taas oo kenyana ogolaatay.

Si kastaba labada dal ee deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya ayaa laga qabaa tuhun fara abdan oo ah, in Kenya doonayso inay si dadban ama tioosan u maamusho gobollada Jubooyinka si ay u difaacato dhul badeed Soomaaliya leedahay oo ay hadda shidaal ka baareyso, halka Itoobiyana ay leedahay dano kale oo kuwaas ka duwan, waxaana jira heshiisyo u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya oo ku saabsan gelitaanka Soomaaliya.

Dhinaca Kale, madaxweynaha Ugandha ayaa lagu qanciyay inuu ogolaado, ciidamada Kenya iyo Ethiopia, waana sababtii uu u joogay heshiis lagu saxiixay Nairobi oo ay si wada jir ah qalinka ugu jiideen Sheikh Shariif, Kibaki iyo Musaveni.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa Madaxda Midowga Afrika waxa ay kulmo ku laahaayeen magaalada Addis Ababa kuwaasi oo looga hadlayay wax ka qabashada arimaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: