Advertisements

Dad Caan ah oo magacyadoodu ku qoran yihiin Baasaboorrada cusub ee Kenya lagu qabtay.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

undefinedHalkaan ka akhri

Malaayiin Baasaboorka cusub ee dalka Soomaaliya ah oo ka buuxa Hal Konteenar  ayaa lagu qabtey dekada Mambasa ee dalka Kenya, iyadoo Baasabooradaasina isugu jiraan midka Casaanka ah ee ay istimcaalaan Diblumaasiyiinta ama siyaasiyiinta iyo kan buluuga ah ee  shacabka caadigaah loogu tal galay.

Baasaborada oo ka kooban laba qaybood oo mid ka mid ah  ay magacyo ku daabacan yihiin iyo kuwa cad oo aan waxba ku qorneyn ayay ka muuqataa arrin naxdin badan.

Markii laga soo tago inay yihiin Baasabooro Qaran oo la bililiqeestay, ayaa hadana waxaa jira arrin kale oo naxdinteeda leh, sida in baasaboorradaas ay ku qoran yihiin qaarkood dad Soomaliyeed oo caan ka ah dalka oo qaarkood dhintay, kuwana nool yihiin.

Tusaale ahaan mid ka mid ah Baasaboorrada ayaa muujinaya inuu leeyahay Macallin Nuur Maxamed Siyaad oo uu ku dhegsan yahay Sawirkiisa oo da’a ah, ha yeeshee wuxuu dhashay 2012,  baasaboorku wuxuu dhacayaa 2007.

Mid ka mid ah ayaa u daabacan si kala qalloocan ama Geddis geddis, mana aha intaas oo kaliya ee waxaa jira waxyaabo kale oo fara badan oo ka muuqda.

Ilaa hadda waxaa loo xeray ninkii Hindiga ahaa ee qandaraaska   ay ku siisey dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf, laakiin waxaa cajiib noqotey kadib markii la ogaadey in xittaa ninkaas qandaraaska lasiiyay uu mar hore dhacay.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: