Isbahaysiga Nabada Soomaaliyeed oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabab loo aqoonsdado cadowga dalka.

HOOS KA AKHRI QORAALKOODA

undefinedHalkaan ka akhri

Ururka Lamagaca baxay Isbahaysiga Nabada Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa ka  soo horjeestay qodobada heshiiskii ay shalay Nairobi ku wada gaareen kuna kala saxiixdeen madaxweyne yaasha dalalka Kenya, Somalia iyo Ugandha.

Heshiiska oo ay saxiixen, Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif, madaxweynaha Kenya Moi Kibaki iyo Ugandha Masaveni, kaasoo dhigayey in meel looga soo wada jeesto si wadajir ahna loola dagaalamo Xarakada A-shabaab iyo qodobo kale. Halkaan ka akhri heshiiskii shalay ee Nairobi.

Hadaba War saxaafadeed ka soo baxay xarunta ururkaasi ku leeyahay Muqdisho oo uu saxafadda u akhriyay Gudoomiye xigeenka urukaas C/llaahi Sheikh Daahir ayaa u qornaa sidatan:-

WAR SAXAAFADEED

Markii uu isbahaysigu si dhab ah u qiimeeyay xaalada amniga iyo siyaasada markii uu arkay faragelinta milateri ee dowlada Kenya ku sameysay cir, dhul iyo bad kuna xasuuqday dad aan waxba galabsan oo qaxooti ah magaalada Jilib horaantii bishaan aan u ku jirno. uguna hanjabtay shacabka Soomaaliyeed meel ey joogaanba iney duqeyn doonto gaar ahaan koonfurta Soomaaliya,markii uu arkay karti darida hogaanka sare ee Dowlada Soomaaliya, markii uu arkay in danahooda gaarka ah hadba maalintaas meesha ey ka arkaan uu mabda’oodi noqday .

Markii uu arkay in caaydi iyo aflagaadadii shaqsiyaad huwan calanka kenya kana tirsan dowlada kenya ay u gaysteen madaxeynaha Soomaaliya oo huwan sharaftii qaranka Soomaaliya, markii uu arkay iyadoo aan raali gelin rasmi ah laga siin aflagaadadii u dhigantay in qaranka Soomaaliyeed la aflagaadeeyay in uu 16/11/2011 ka degay caasimada kenya ee Nairobi isla markaana uu ilaabay hadalkiisii ahaa in uusan soo gelitaanka kenya waxba ka ogeyn waxna aan laga weydiin.

Waxaa wax lala yaabo ku noqotay isbahaysiga nabada Soomaaliyeed markii ay arkeen madaxweynihii oo leh waxaan ku taageersanahay Dowlada Kenya wax alaale wixii ay soomaaliya ka wado.waxaa la wada ogyahay maalin ka hor maalinta uu kenya tagay, Dowlada kenya inay Dowlada Israa’iil weydiisatay kaalmo milateri oo Soomaaliya ay ku qabsato.

Hadaba siyaasada xumida Kenya waxay garan weysay xasaasiyada ay arintaasi dhalin karto, wuxuuna Isbahaysiga Nabada Soomaaliyeed soo jeedinayaa qodobada soo socda.

1)   In Umadda Soomaaliyeed u aqoonsato Hogaanka sare ee dowlada rag loo lebisay dhar aaney cabirkiisa gaarin dabadeetna la kufey.

2)  In  shabaab iyo kenyaba loo aqoonsado gumeysi duulaan ku ah Qaranimada Soomaaliya.

3)   In Dalka iyo dibadaba laga dhigo banaan baxyo looga soo horjeedo heshiis ku sheega qabsashada ka danbeeyay waayo waxan wada ognahay in heshiis ku sheega Abdi-Weli Gaas saxiixay uu ka danbeeyay qabsashadii kenya qabsatay gobolada Soomaaliya qaarkood iyo xasuuqii ey ka gaysteen magaalada Jilib iyadoo aan xitaa wax cudur daar ah ka bixin dowlada Kenya kuna sii hanjabtay inay duqeyn doonto 10 magaalo oo koonfurta Soomaaliya ku yaal kadibna loogu yeeray Shariif Sheikh Axmed asaguna inow saxiixo.

4)   Dowlada Kenya waxaan uga digeynaa isku deyga 20 sano kadib ku dhashay oo ah in Soomaaliya waa qabsan kartaa xiligaan iyadoo ku cabireysa aragtida ay ka qaadatay shaqsiyaadka ducafada ah ee hada sheegta inay Soomaaliya madax u yihiin, waxaan leenahay Soomaaliya Soomaalibaa leh, kana difaaca doonto cid kasta oo isku dayda ku xadgudubta qaramimada Soomaaliyeed. Inshaa Allaah.

5)   Aduunyadu waxay ku dhaqantaa Nidaam & sharci sida wadan kastaba u leeyahay nidaam iyo sharci u gaar ah sidaa daraadeed axdi qarameed Soomaaliya wuxuu qorayaa qodobkiisa 1aad iiyo 2aad in wax kasta oo taabanaya qaranimada (siyaasada) dadka & dalka waxaa go’aan ka gaari kara shacabka si toos ah & si dadbanba isagoo u sii maraya wakiiladiisa (Parliament) qof koox ama dabaqad aan ku saleysneyn shuruucda cahdi qarameedku qabo waa sharci daro.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: