Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta si rasmi ah uga haray tartanka is reeb-reebka koobka adduunka ee sanadka 2014.

HOOS KA DAAWO SAWIRO & VIDEO

undefinedHalkaan ka akhri

Xulka Kubadda cagta Qaranka Soomaaliya ayaa galabta si rasmi ah waxaa uu uga haray tartankii is reeb-reebka koobka adduunka ee sanadka 2014 ka dhici doona wadanka Brazil, kaddib markii xulka dalka Ethiopia uu uga badiyay 5-0 lugtii labaad ee koobkan oo galabta labada xul ku dhex martay magaaladda Addis Ababa.

Qaranka kubada cagta Soomaaliya ayaa dadaalay gelinkii hore ee cayaarta iyadoo laga dhaliyay 1 gool oo kaliya, laakiin ugu danbeyn qeybtii labaad ee cayaarta ayaa misna laga dhaliyay 4 gool oo kale, halkaasoo uu xulka Ethiopia guusha ku raacay 5 gool.

Ciyaartan 5-0-ta gool looga badiyay xulka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa ka dhacday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, waxaa ayna ahayd lugta labaad iskala reebka koobka aduunka 2014-ka ka dhici doona dalka Brazil, waxaana sidaa wareega kale ee qaarada Afrika ugu gudbay xulka Ethiopia.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: