Qodobo laga soo saaray shirkii ay magaalada Nairobi ku yeesheen madaxda dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Uganda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Shir saacado qaatay oo ay maanta dalka Kenya ku yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya, Kenya iyo Uganda ayaa waxaa laga soo saarey qodobo muhiim ah.

Shir madaxeedkii maanta uga furmay  magaalada Nairobi, madaxweynayaasha Shariif Shiekh Axmed, Mwai Kibaki iyo Yuweri Museveni ayaa la isku afgartay in la sii wado hawlgalka military ee sadexda dawladoodba ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.

Madaxdan ayaa ku heshiiyey in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee iyagu caqabada ku ah dowladda Soomaaliya iyo dhammaan ammaanka wadamada geeska Afrika.

Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi kulanka kadib ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen sadexda dhinac in ay si wada jir ah isula shaqeeyaan.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay shakigii madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed kaasi oo uu bishi hore ku diiday in ciidamada Kenya ay iska soo galaan gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo uu markii dambe ka laabtay hadalkaasi.

Madaxda Kenya, Soomaaliya iyo Uganda waxaa ay soo wada saareen qoraal saxaafadeed ay ku sheegeen in ciidamada Kenya, AMISOM iyo Militariga dowlada Soomaaliya ay si isku mid ah isaga kaashan doonaan dagaalka ay uga soo horjeedaan kooxda Al-Shabaab.

Kenya ayaa ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya 14-kii bishi October, kadib marki si ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ay weeraro isugu jira afduub iyo dilal ka geysatay gudaha dalka Kenya.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: