Halkaan ka akhri
Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay ka qayb qaadanayso, isla markaana Soomaaliya u soo dirayso ciidamo xooggan oo ka mid noqda wadamada haatan la dagaallamaya xarakada Al-shabaab
Ciidamadda Dowladda Itoobiya ayaa waxay isku diyaariyeen inay gudaha u soo gallaan dalka Soomaaliya, si’ay u bilaabaan dagaalkaas meesha looga saarayo Xarakada Al Shabaab.
Mileteriga Itoobiya ayaa sida la sheegay loo qorsheeyay 7 gobol oo Soomaaliya ah inay ka dagaallamaan, waxaana qorshuhu yahay in ay soo gelaan 7-da Gobol ee kala ah: Galgaduud, Hiiraan, Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Itoobiya Molla Hailemariam oo shaaciyay hadalkaas ayaa sheegay in Al-Shabaab qatar wayn ku yihiin gobolka oo dhan, isla markaasna ay doonayaan inay qalqal geliyaan nabad gelyada guud ee gobolka.
Wuxuu xusay in ay si weyn uga qeyb qaadanayaan burburinta Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay inay diyaariyeen ciidamo xoogan oo lagu wado inay dhowaan soo galaan barala loo cayimay.
SomaliSwiss Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Addis Abeba |
You must be logged in to post a comment.