HOOS KA AKHRI HESHIISKA
Halkaan ka akhri
Arbaco 15, Nov 2011 – Shacabka Soomaaliyeed dhib aan la soo koobi karin ayaa heysta meel uu kaka yimidba marba hadii aysan wax badan is dhaamin qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdoodaba. Sideedaba dal waxaa bad baadin kara dad wadani ah amaba qof ay ku weyn tahay Wadaniyad, Qadiyad iyo Xishood Bini’aadaminimo.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxman Faroole oo heshiis la galay shirkad (American Lobbyist ah) degana Washington DC, Heshiiskas oo uu wakiil uga yahay wiil uu dhalay Faroole oo lagu magacaabo Khadar degana dalka Australia.
Heshiiskan oo uu nuqulkiisu yahay sidii loo soo celin lahaa shirkadii ConocoPhillips.
HALKAN KA AKHRI HESHIISKA OO ENGLISH AH Ex-lawmaker lobbies to bring ConocoPhillips back to Somalia
Runtii waxaa ayaan daro weyn ah in aysan jirin dawlad Soomaaliyeed oo aan arrimahan ka hadli Karin sababta oo ah xukumadan cusub ee R/wasaare Abdiweli Gaas madaxda ka yahay iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Hassan ayaa waxay u suura geliyeen in Maamul Goboleedka Puntland in uu heshiis la galo cid walba, iyadoo Sharif Hassan ka mamnuucay Baarlamaanka inaan looga hadli Karin Heshiis walba oo ay Xukuumada iyo Puntland la galaan cid walba.
Tan labaad Madaxweynaha Sheikh Shariif isagana kama hadli karo Heshiisyadan waayo waxaa loo balan qaaday in waqtiga loo kordhinayo marka la gaaro August 20, 2012 hadii uu ka hadlana inaan lagu taageeri doonin inuu mar labaad isku soo sharaxo xilka uu hada hayo.
Fadlan si taxadir leh noola socdo waxaan mar dhaw soo bandhigi doonaa Heshiisyada qarsoon iyo dhacdooyinka foosha xun ee ay ku xadgudbaan Xukumada TFG, iyo Heyadaha madaxa banaan.
Waxaase ayaan daro weyn ah inuusan jirin Baarlamaan la xisaabtami kara oo xakameyn kara Hayadaha madaxa banaan.
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: London UK |
You must be logged in to post a comment.