Ciidamada Booliska Soomaaliya oo xalay qabtay Gaari laga buuxiyay Miinooyin iyo Bam Gacmeedyo.

undefinedHalkaan ka akhri

Ciidanka Nabad gelyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay xalay howlo gallo aan hore looga baran oo ay sameeyeen ay markii ugu horreysay gacanta ku dhigeen Gaari ay ku rarnaayeen Juuniyaal ay ka buuxeen Miinooyin, Bam gacmeedyo iyo waxyaabo kale oo qarxa.

Gaariga laqabtay ee lagu waday Hubkaan oo ahaa nuuca qaada dadwaynaha ayaa Booliiska u gacan galay xilli ay howl gal aan looga baran oo habeenkii ah ka samay nayeen degmada Hodan, iyagoo gaarigaas ku qabtay fagaaraha Tarabuunka meel u dhow.

Gaarigaas oo ahaa nuuca soomaalidu u taqaano Caasiga ayay saarnaayeen 10-nin oo la socday gaariga kuwaas oo iyaga iyo waxyaabihii lagu qabtayba lagu wareejiyay taliska dambi baarista ciidamada ee Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliska Saldhiga degmada Hodan ee dowladda KMG Soomaaliya Cali Nuur Sahal ayaa saxaafadda u sheegay in xalay ay qabteen gaarigaasi xili uu marayay nawaaxiga Tarabuunka, isagoo ka yimid dhinaca Ceelasha Biyaha.

Taliska ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya ayay u tahay markii ugu horeysay oo ay ka hortagaan ama qabtaan hub nuucaas ah oo haddii uu gaaro goobtii loogu tala galay ay macquul ahaan kartay in loo adeegsado qaraxyo ay ku naf waayaan dad badan.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: