Laba ka mid ah Culimadii Soomaalida Ingiriiska oo Al-Shabaab ku biiray iyo kuwa kale oo uu heshiis u socdo.

Hoos ka fiir magacyada & codadka

undefinedHalkaan ka akhri

Laba ka mid ah Wadaadadii waawaynaa ee Al-Itixaad in muddo ahna ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa ku biiray Xarakada Al-Shabaab oo beryahaan dambe ay si daran afkooda ugu difaacayeen.

Sheikh Xasan Takar iyo Sheikh Jaamac Cabdisalaan iyo wadaado kale oo ay hogaaminayaan ayaa haatan ku sugan deegaano ka tirsan Gobaladda Jubooyinka, Bay iyo Bakool iyo shabeellada Hoose.

Sheikh Jaamac Cabdisalaan oo shalay la hadlay idaacad ay leeyihiin Al-shabaab ayaa qirtay in isaga iyo wadaado la socda ay Soomaaliya ugu soo laabteen inay ka dagaallamaan.

Sheikh Xasan Takar oo isna Hadlayay ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin Ka qayb qaadashada wax uu ugu yeeray Dagaalada Jihaadka ah ee ka socda Soomaaliya.

Sheikh Xasan Takar  ayaa si kulul u canbaareeyay Culuma’udiinka Soomaaliyeed ee aan taageersanayn fikirka Al-shabaab iyo kuwa ku nool wadamada reer galbeedka iyo caalamka kaleba oo uu isagu ka mid ahaa, inkastoo uu hadda ka tegay, hadana waxaa uu ku sifeeyay wadaadada aan mowqifkiisa oo kale qaadan inay yihiin Mikarafoono ay adeegsadaan wax uu ku macneeyay cadawga islaamka.

Sheikh Xasan Takar, wuxuu ka mid ahaa wadaado isugu jiray Soomaali iyo umado kale oo wax ka aqri jiray Masaajidka caanka ah ee ku yaala Waqooyiga magaalada London xaafada Finsbury Park , wadaadada ay duruusta ka wada aqri jireen waxaa ka mid ahaa  Abu Xamzah Al Masri oo hadda ku xiran xabsi ku yaala magaalada London iyadoo loo haysto arrimo argagixiso.

Dhinaca kale, Waxaa jira warar badan oo isa soo tarayay todobaadyadaan, kuwaas oo sheegaya in wadaado fara badan oo ka mid ah culimada caanka ah Soomaalida dhexdeeda oo ku sugan dalalka Ingiriiska, Norway, Sweden iyo Kenya ay qorsheynayaan inay ka mid noqdaan nidaamka iyo maamulka Al-Shabaab.

Liiska Magacyo iyo codad kala duwan oo ay heshay SomaliSwiss ayaa si gaar ah u muujinaya, in wadaadadaas badankood yihiin kuwa hore uga tirsanaa ururkii Al-Itixaad iyo Al-Ictisaam, kuwaas oo lasheegayo in heshiis qarsoodiya ay wada gaareen Al-Shabaab, lana filayo inay si toos ah uga mid noqdaan dhowaan oo ay is shaaciyaan intooda badan.

Xafiisyada wararka SomaliSwiss ee Nairobi, London, Baydhabo, Kismaayo iyo Burco ayay todobaadyadii la soo dhaafay si isdaba joog ah ugu soo dhacayeen warar kala duwan oo sheegaya in 13 kamid ah kuwa ugu caansan wadaadada Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Ingiriiska, Norway, Sweden, Kenya ay heshiis qarsoodi ah wada gaareen xarakada Al-Shabaab lagana yaabo in Soomaaliya qaarkood u dagaal tagaan, halka kuwa kalena la qorsheeyay inay gacan ka geystaan uruurinta taageero dhaqaale oo lagu dagaallamo.

SomaliSwiss ayaa hadda gacanta ku haysa codad kala duwan oo laga duubay wadaadadaas badankood, kuwaas oo laga helay ila wareedyo qarsoon oo ku sugan goobaha aan kor kusoo xusnay, iyadoo codadkaas laga fahmi karo sawirka guud iyo meesha uu wajihi karo, hase yeeshee Tifaftire-yaasha SomaliSwiss ayaa go’aansaday inaan lashaacin magacyada iyo codadka wadaadadaas la sheegay inay Al-Shabaab ku biirayaan, haddii aysan iyagu afkooda ka sheegan inay kamid yihiin.

Codadka maqalka ah ee SomaliSwiss hayso, waxaa ay muujinayaan in dhamaan wadaadadaas kor ku xusan badankood ay fikir ahaan iyo ficil ahaan aad u taageersan yihiin shaqada ay hayaan Al-Shabaab iyo mabda’ooda, laakiin kuma cadda inay ka mid yihiin Al-Shabaab ama ka mid noqon doonaan toona, sidaasi darteed ayaan u go’aansanay inaanan sii dayn.

Halkan Hoose ka dhegayso codadka Labada wadaad ee Soomaaliya  dagaalka u tegay.

DHEGAYSO CODKA Sheikh Xasan Takar

DHEGAYSO CODKA Sheikh Jaamac Cabdisalaan


SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: